Tuugo Wasiir Dhacday Ilaaladiisiina Qoryaha Ka Qaatay.
"Booliska ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay kadib waxa ay ugu yeereen dhacdo aan horay loo arag"
Booliska Koonfur Afrika
ayaa sheegay in wasiir ka tirsan dowladda dalkaasi la dhacay, isla markaana
ilaaladeeda laga qatay qoryo ay wateen, xilli ay marayeen waddo ka baxsan
magaalada Johannesburg.
Sida ay ku warameen
warbaahinta maxaliga ah, weerarka ayaa dhacay Isniintii markii baabuur ay la
socctay wasiirka gaadiidka, Sindisiwe Chikunga, uu istaagay si lug ka banjartay
looga badalo.
Booliska ayaa sheegay
in baaritaan la bilaabay kadib waxa ay ugu yeereen dhacdo aan horay loo arag.
Dowladihii kala
dambeeyay ee Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen
heerka dambiyada oo aad u sarreeya. Dalka waxaa mudooyinkan dambe aad ugu soo
badanayay afduubyada.
BBC
Loading...
Loading...