Naadiya Maxamed Oo Loo Doortay Duqa Magaalada St. Louis Park
Codbixiyeyaasha magaalada
St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto
duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali
iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.
Naadiya ayaa sidoo
noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod
ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.
"Doorashadani,
dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga
mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna" ayay Naadiya u
sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda.
Doorashadan waxaa
Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park
oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta aysan Naadiya ku
dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.
Naadiya ayaa ka
guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa
musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.
Naadiya ayaa hore u
aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da'da
yaraa ee noqda duqa magaaladaas.
Nadia oo 27 jir ah ayaa
iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay
aheyd 10 sano jir.
Sannadkii 2021, Deeqa
Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq
magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka
Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.