{Af-Barad} Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da'weyn?

0
Tuesday November 07, 2023 - 10:16:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    {Af-Barad} Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da'weyn?

    AAD . Waa tag, Qabo, u kicitan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AAD . Waa tag, Qabo, u kicitan.

 



Qaybtii 2aad.

 

Nabi Aadan Cs.


 

 

Waa Qormo kale oo ku xidhiidhsan Qaybtii hore ee aanu ku lafo guraynay Degelka iyo Afka ugu faca weyn ama ugu Da'da weyn Aduunka, taas oo aan doonaayo in aan ku xaqiijiyo Magacyadii Nabiyayadii hore Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee, waxa aan ku billaabay Aabihii Dadka maanta dunida camiray Nabi Aadan Cs.



 

Sida aan ku xusay Maqaalkii hore Aabaheen Aadan waxa uu ahaa Qofkii ugu horeeyey dadkeena ee Alle abuuro ama sameeyo, kaas oo Alle ka sameeyey Dhoobo Madow dabadeedna Alle Naf geliyey, Abuurtaa wacnayd ee Alle ee Aabaheen Aadan waxa ka xumaaday oo Nolol quudhiwaa' iyo xumaato Xasad leh ka qaaday, Naflihii Iblays oo markii uu Alle Faray in Malaa'igta iyo isaguba u sujuudaan waakii Iblay amar diidada ku sameeyey Alle ee Allena SW ka xanaaqay ee Dayriyey Iblays ee u Candhooday.


 

Hadaba aan ku nuqdo oo aan dhuraha u qaato oo aan kala Shushubo Magac AADAN waxa uu Eray ahaan ka koobmo iyo inta macne ee Erayga Aadan marka Xarafka uu ku bilaabmo ilaa inta Xarafka ugu danbeeya laysku xidhiidhinaayo inta eray ama xarfo macne leh ee Erayga Aadan ka koobmo, ee Bal ila eeg.


 

Magaca Aadan waa Magacii ugu horeeyey ee Qof loo bixiyo, waana Magacii uu Allaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu ku Magac dhabay Abuurtiisii Qof ee ugu horeeyey, Hadaba Erayga Aadan waa maxay? maxay ayuu ka dhigan yahayna?


 

Erayga Aadan waa Magac Lab oo weliba waa Magac sheegaya waxa qofkaa loogu Magac dhabay magacaa, waa Magac sifahiisa wata oo is qeexaya waxa magacaasi ugu baxay ruuxa magacaa loobixiyey, waana Magac si sahlan loo saafi karo sida Magacyada Hooyoleyda oo waa Magac Xarafka uu ku bilawdo dhawaaq macno leh uu yahay oo Xaraf ugayn Xaraf, macno ku samaynaaya ilaa inta Xarafka ugu danbeeya ku xidhiidhismaayo!.


 

Markaa Bal aan Saafo ee ila eega:-

 

A. A. D. A. N, Bal eeg Xaraf-xaraf.


 

A, Haduu ruux yidhaahdo Aoo uu ku celceliyo sida A A A A waxa Hubaal ah ruuxaa in wax gaadheen! Waxa lagu yidhaahdaa Waar Maxaa kugu dhacay ee la A-da haysaa, waxa dhacda in uu ruuxaasi yidhaahdo waan is qaniinay ama nabar ayaa meel iga haya, ama uu yidhaahdo wax baan gocday, sidoo kale ilmaha yar ee dhalaanka ama nuunuuga ah waa Xarafka ugu horeeya ee Hooyadu ku Af barto oo waxa ay tidhaahdaa, A A Aabo marka ay la dheel dheelayso Hooyadu ilmaheeda ee si dheelmo leh wax ka celcelinayso waxa ay tidhaahdaa A-A-A-,,,,.


 

AA, iyana marka ruux nabar qabto ama Toosi hayso ayuu ku taahaa AA-AA-AA-AA, oo qofkaas in xanuun hayo waa la ogaadaan oo waxa la yidhaahdaa Halkuu nabarku kaa hayaa!.


 

AAD . Waa tag, Qabo, u kicitan.


 

AADA, waa marka koox ama Dad qof kabadan lafaraayo in ay Tagaan ama tagaan meel loo diraayo, oo waa Aada, Taga Qabta u kicitama.


 

AADAN, waa Tagane, Dirrane, Amrane, beegan, sida socotadaasi inaka ayey inagu soo AADAN yihiin oo ah way ku jihaysanyihiin ama beegan yihiin oo u iman ayaan, Aadan sidoo kale waa u kicitime Halkuu ku eegyahay ama u jihaysan yahay, Alle Aabaheen Aadan iyo Hooyo Xaawo waxa uu Weyne u diray Janada isaga oo faray inay ku noolaadaan oo wax kasta oo ku dhex sugan ka dhirqadaan ama cunaan, waxa se Alle uu Amray ama faray Aadan iyo Xaawo in aanay cunin Geed ku dhex yahay janada, Markii ay Amar diidada sameeyeen ee geedkii cunneena .waa tii Alle janada kasoo Dayriyey markaa Aadan waa Amrane ama Amarre ama Dirrane, kii Alle Diray ama Amray.


 

AADAME, Amranayaal, kuwuu Lafaray, kuwii Dirnaa, Alle wuxuu yidhi Jini iyo insi wax kale maanu u Abuurin in ay icaabudaan mooyee sidaa awgeed dad amar Alle qaba oo Amran ayeynu nahay in aynu Allaheena ina sameeyey caabudno, Markaa markii Aabaheen Aadan iyo Hooyadeen Xaawo (Xaawo = Nolashii, Tii nolosha u Dhexda ahayd ama tii Nolosha Nafta u ahayd, Xaawo = Xaawgii = neeftii nolosha, ileen Uur Hooyo ayuu Alle inagu Dhex Abuuray inaka oo candhuuf oo kale ah inaka oo qof ahna wey ina dihataa Hooyo oo naaska inagu Du'daa oo ina Mijo-saarta oo ina Majeerata ee Allow Hooyo ifka Cisi aakhirana Janadaada wacan kuwa aad geeso kuwa ugu horreeya ka yeel aamiin),


 

Hadaba Markii Dadka Aduunka guudkiisa lakeenayna Amar ayaa lasoo raaciyey, oo waata aynu ku Amranahay inaynu Fuluno Tiirarka Islaamka iyo Tiirarka Iimaanka, iyo waxa uu Alle inagu Faraayo Quraanka Sharfan ee Karaamaysan, sidaa Awgeed Aadame Waa Amranayaal uu Alle Amray, Aabaheen Aadan wuxuu Ahaa Abuurtii wacnayd ee Alle Abuuray ee Amranayd.


 

Magacaa Aabaheen Aadan Af kale oo aan ahayn Afka Hooyo ku saafi karimaysid, Sidaa awgeed Afkii Nabi AADAD (cs) iyo Hooyo Xaawo ku hadli jireen waxa uu ahaa Afkii kama danbaystii Noqday Afkii Hooyo, Sidoo kale hadii aynu eegno Nabigii Alle ee NUUX Cs waxa aynu ka dheehan karnaa…………. lasoco taxanaha.


 

Dadkeenu waa Hooyoley

 

Dumarku waa Xaawoley

 

Dunida Dadka ku noolna Aadame.

 

Khadar Hooyoley 07-11-2023

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...