Ukraine Oo Sheegtay In Bambooyinkii Ugu Badnaa Tan & Bilowgii Dagaalka Lagu Garaacay G. Kherson
"isla markaana ay ku burbureen gawaadhi siday qamadi"
Ukrain ayaa sheegtay in
Ruushku uu weerarro waaweyn ka fuliyay koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan
tiradii ugu badneyd ee bambaanooyin lala beegsado gobolka Kherson tan iyo
markii uu dagaalka billowday.
Wasiirka arrimaha
gudaha, Ihor Klymenko ayaa sheegay in habeen hore, Ruushku uu 87 bam ku tuuray
magaalooyinka iyo tuulooyinka Kherson.
Saraakiisha Ukraine
ayaa sheegay in weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday dekedda Odesa ee Badda
Madow ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 qof, isla markaana ay ku burbureen
gawaadhi siday qamadi, waxaana sidoo kale ku burbray mid ka mid ah goobaha
farshaxanka ee ugu muhiimsan magaalada.
Loading...
Loading...