Maxaa aan siin karaa dadka kale, marka aan waxba hayn?

0
Monday November 06, 2023 - 11:43:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa aan siin karaa dadka kale, marka aan waxba hayn?

    Waa aad u duceyn kartaa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa aad u duceyn kartaa....

1. Waxa aad siin kartaa dhoolacadeyn iyo waji furnaan, qof kasta oo dhaayaha aad saarto.


2. Waxa aad amaani kartaa, dad si wanaagsan u qabsaday shaqadoodii.


3. Waxa aad u riyaaqi kartaa dadka ku garab istaaga ee ku daryeela.



4. Dhagahaaga waxa aad amaahin kartaa qofka murugaysan marka uu hadlayo, si aad u dhegaysatid.

5. Waxa aad dhiirrigelin kartaa dadka, si aad rajo ugu beertid.


6. Waxa aad ka ilaalin kartaa dabeecadaada, si aad uga fogaatid in aad dhaawacdo dadka.

7. Waxa aad noqon kartaa qofka ugu horreeya ee raaligelinta bixiya.


8. Waxa aad wax bari kartaa carruurta saboolka ah iyo dadka waaweyn.

9. Waxa aad ku biiri karaa ururrada samafalka, si aad dadka ugu wacyigeliso caafimaadka iyo waxyaabaha kaleba.


10. Waxa aad u riyaaqi kartaa qof isku dayay, haddana guuldarreysey; waxa aad ku caawin kartaa sida uu guuleysan lahaa.


11. Waa aad u duceyn kartaa.


W/Q: Maxamed Haybe Axmed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...