Nin Xalay Lagu Dilay Hargaysa & Booliska Oo Ka Hadlay Dilkaasi
Taliska Ciidanka
Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Abshir Saleebaan Xuseen ina
Aamina ibraahim 17Jir oo ku eedaysan ina uu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar
Ina ifraax Budul 23jir Abbaaro 8:30 kii
Habeenimo Xalay , Kuna dilay Middi
xaafadda Sheekh Cumar.
Dedaal dheer iyo
hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanaha Magaalada
Wajaale iyo Gabilay dhexdooda halkaasi oo uu doonaayo ina uu ka talaabo xadka
Somaliland iyo DDS. Haddana waxuu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska.
Dhanka kale Ciidanka
Boolisku ayaa gacanta kusoo dhigay 4 (Afar) Eedaysane oo ninkaa dilka gaystay la socday
kuna Eedaysan ina ay gacan siiyeen , Waxaanay kala yahiin
1-Cabdiraxmaan Farxaan
Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20jir ,
2- Xamse Cabdilaahi
Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir ,
3-Sayid Cabdiraxmaan
Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir ,
4-Mustafe Cabdilaahi
Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir
Ciidanka Boolisku waxuu
dhammaantood degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi .
Ciidanka Boolisku waxa
uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda
amni darro iyo khalkhal galinta nabadgalyada in uu gacan bir ah ku qaban doono sharcigana horgayn doono.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL
Call Center 999