Fatahadda Webiga Juba Oo Go'doomisay Degmada Luuq.
Warrarka ka imaanay
gobolka Gedo ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay go’doon gashay degmada Luuq
kaddib markii webiga Juba uu ku fatahay qaybo badan oo magaalada kamid ah.
Weriye jooga degmada
Luuq ayaa BBC-da u sheegay in qofka doonaya in uu magaalada soo galo ama uu ka
baxo ay tahay in uu raaco doon.
Gudaha magaalada
Xaafaddo badan ayaa laga qaxay.
Roobbab maahigaana oo
ka da’ayay gobolka Gedo todobaad kii la soo dhaafay ayaa keenay in waadiyaasha
ay ka soo rogmadaan daaddad fara badan, teetana ay ku daraan webiga oo isaguba
markii hore buuxay, taasina waxay keentay fatahaad balaaran oo ka dhacday
magaalooyinka Luuq, Baardheere, Doolow iyo Buurdhuubo.
Magaala madaxda gobolka
Gedo ee Garbahaarey waxa saaka la soo weriyay in tog magaalada kala qaybiya uu
qaaday nin dadka deegaanka kamid ah oo doonayay in uu halkaa ka gudbo.
Ma jiro wax gurmad ah
oo illaa hadda la gaarsiiyay deegaannada ay dhibbaatadu ka dhacday, sida ay ku
soo warramayaan weriyayaasha gobolka jooga.
BBC