Tababarraha Arsenal Oo Muran Ka Keenay Gool Kii Xalay Looga Badiyay
Tababarraha kooxda
Arsenal Mikel Arteta ayaa ku tilmaamay go’aankii garsooraha muuqaal eegista uu
Newcastle ugu ogolaaday goolka mid laga khajilo oo dulinimo ah.
Anthony Gordon ayaa
Newcastle u ogolaaday goolka kaliya ee ay keeneen kaddib markii laga eegay
haddii kubaddu baxday, ama khalad la galay, ama uu ofsayd jiray, kuwaas oo
dhammaantood meesha laga waayay, goolkana siisay kooxda Newcastle.
Natiijada ciyaarta ayaa
keentay in la jabiyo rikoor kii kooxda Arsenal ee ahaa in xili ciyaareed kan
aan laga badin horyaalka Ingiriiska.
"Waxan halkan hadda u
joogaa inaan iraahdo lama aqbali karo,” ayuu Artera u sheegay Sky Sports.
"Uma aynaan qalmin in
nalaga badiyo ciyaarta. Ciyaarta waa nalaga badiyay maxaa yeelay go’aannada
cadcad. Waa wax laga khajilo. Taasi waa khajilaad.
"Ma qiyaasi kartid
fariimaha I soo gaaraya ee oranaya tani ma sii socon karto. Waxan luminayaa
waqtigayga. Ma doonayo inaan gacmaha dadka ku jiro.”