Lugtaneey Haddba Nin Ku Qaad Ayay Tidhi Islaantii La Dumaalay.

0
Saturday November 04, 2023 - 12:26:54 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lugtaneey Haddba Nin Ku Qaad Ayay Tidhi Islaantii La Dumaalay.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



Tu Khaas Ahna Bahada H/W Iyo Akhristayaasha.

Lugtaneey Haddba Nin Ku Qqad.


Bisimka Eebbiyo Bilaahi(Swt)

Bacsanow Rasuulkeni(Scw)



Bushaaro Maalintena Bilan,

Bilaayo Dhamaan Xijaaban,


Barwaaqiyo Nabad Ku Ciida,

Bud Dhigayaashi Bilayskan,


Beeristeda Boqoradi Bineye,

Beliyo Nacabaw Badhedhay,


Baaqbaaqayaashi Baan Aha,

Bus Iyo Boodhba Na Qaatay,


Belaayadaas Loo Sinaabaa,

Bilayska Wax Gaari Helayo,


Baariyo Gunba Waa La Goyay,

Badhedh Loo Bidhansanayey,


Badiba Xabsi Lagu Buquujay,

Baaqigii Hadhayee Baxsaday,


Band Boy Iyo Boys Brigadeba,

Baadidoona Barbaarintooda,


Badhbadha Buugatay Qoren,

{Basic Way English Bilawga },


Barbaarshii Bileysku Meeyey?,

Barteebuu Ku Aasan Yahayon,


Bartilmaadeed Ma U Dhisteen,

Booqasho Weli Ma U Tagteen,


Bileysku Qabiilo Ma Ahaado,

Baahida La Qabtaan Dakiina,


Bartilmameedna Waa Tahiin,

Boobkii Laynkeenii Bilayska,


Bacadkay Dadsanyi Hawenki,

Bakhtigaba U Xalaal Ahoo,


Baqaha Baahidawgu Wacan,

Baha Qoys Qudhaba Tahiin,


Bulshada U Tahiin Qabaan,

Qudhiyo Ruux Waw Hurten,


Quruxda Umadana Tahiine,

Qadhmunka Qabyalad Diida,


Siyaasi Idin Qaybsha Diida,

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...