Prof. Samatar wuxuu u shaqeynayaa Muuse Biixi uma shaqeynayo reer Awdal.{QORE.} Naaleeye.
Dadka yaqaana Pr. Axmed Ismacil Samatar waxay ku sheegaan nin aan mabda' lahayn oo hadba meesha dabeyshu u socoto u raaca, nin gelinba meel jira oo aan lahayn hal adeyg iyo meel loogu soo hagaago.
Professorku, wuxuu hore ula bilaabay tabliiq siyaasadeed saaxiibkii Prof. Cali Khaliif oy ku raadinayeen Somaaliland la wada leeyahay oo Sool iyo Awdal ay ku helaan xuquuqdooda.
Sida la wada ogyey Professor Samatar wuu ku khiyaamiyeey halgankii uu la bilaabey saaxiibkii, waxaana mar kaliya la arkay isagoo ah xubin ka tirsan Xusbiga Kulmiye oo u ololeynaya Muuse Biixi.
Hore waxa loo ogaa inuu in badan u ololeyn jirey Somaliya mid ah , mabda'aas uu ka guurey markuu doorashadii waayey. Somalidu waxay tidhaahda mabda' ma guuree, mabda' laawaa guur guura.
Prof. Samatar,wuxuu hadda ka bilaabay Somaliland olole iyo abaabul uu ku sheegayo inuu reer Awdal xuquuq u raadinayo, isagoo hadba meel ku shirinaya Dhilnyarada reer Awdal.
Dad badan waxay aaminsanyiin in waxa Professorku doonayo iyo waxa dhalinyaradu doonayso ay kala duwanyiin.
Dhalinyaradu waxay doonayaan inay dadkooda ka saaraan dulmiga iyo cadaalad darrada beesha dhexe ku hayso, iskana tuuraan derajada ” Second class citizens ” ay ku jiraan reer Awdal. Professorkuna wuxuu doonayaa gorgortan ” Deal" uu Muuse Biixi la galo, ama in loo celiyo wixii kharash kaga baxay Ururka Hillaac ama inuu helo mansab siyaasadeed.
Maxaa u daliil ah in Prof. Axmed aanu raadineyna xuquuq Awdal iyo saami qeybsi midna ee uu doonayo danno shakhsi ah iyo gorgortan siyaasadeed:-
Muxuu ka yidhi Professorku hoolkii weynaa uu ku shiriyey wiigii la soo dhaafay dhallinyarada reer Awdal ee kacdoonka ku jira?.
Wuxuu yidhi” Joojiya caadifada iyo durbaanka laab la kaca ah . 70 jir ayaan ahay, inaan idiin caqli celiyo ayaan rabaa”.
Wuxuu yidhi” 1960 markaan koonfur tegnay, dadka reer koonfureedka oo inaga tiro badnaa ayaa wax walba qaatey, Xurruntii, Madaxweynihii, Raysalwasaarihii, Jananadii ciidamada…..
Wuxuu kaloo yidhi ” Xaggaas koonfur anigaa tegay oo ka soo quustey. Waxba inagama jiraan.”
Wuxuu kaloo yidhi ”Looma baahna Jibbo iyo Somaliland hadaan garan weyno waan ka baxaynaa iyo Cali Baxar ayaan u yeedhaneynaa. Waa inaad arrintaas ka digtoonaataan”.
Wuxuu kaloo yidhi ”Haddii la yidhaahdo waa la baxayaa, maxaydun ku bixi? Xageydun u bixi?. Sacabkan yar iyo mashxaradan yar meel idin gaarsiin meyso ee joojiya".
Wuxuu kaloo yidhi ”Abtiyaashey waan la gudhinayaa"
HADABA SU'AASHU WAXAY TAHAY, NINKA ISKU SHEEGAYA INUU XUQUUQDA REER AWDAL RAADINAYO, ISLA MARKAANA DEMINAYA KACDOONKA DHALLINYARADA REER AWDAL, MA YAHAY NIN XUQUUQ AWDAL RAADINAYAA ?
Prof Axmed, markuu leeyahay abtiyaashay ayaan la gudhinayaa, ma Xusbiga Hilaac ayuu ka hadlayaa, mise in laga saaro reer Awdal derajada ” 2nd class citizens”.
Siduu u hadley Professor Samatar ayaa cadeyneysa inuu u shaqeynayo Muuse Biixi, waana inta ay ku hadaaqaan kooxaha Muuse Biixi u shaqeeya.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa, nin geedo tiriyey oo Qudhac ka reebay, waxba ma tirin.Taas waxa la mid ah, nin kuraas la boobey iyo caddaalad darro ka hadley oon caddaalad darrada Somaliland taalla sheegin waxba ma sheegiin.
Hadaba Samatar, waxa la weydiinayaa:-
Ma taqaanaa beelaha ay ka tirsanyiin Somaliland, Madaxweynaha, gudoomiyaha guurtida, Maxkamada sare, Wasiirada arrimaha dibeda, maaliyada, gudaha, banka dhexe, Jananada Mileteriga iyo Booliska, Madaxda 3 da Xusbi, 75% golaha wakiilada oo ka kooban 82 wakiil ?
Professor Samatar, waxa lagula talinayaa inuu reer Awdal nifaaqa iyo kolba dhinac u oradka kala dhex baxo.Looma baahna nin siyaasi ah oo hadba sida Carsaanyo badeeda dhinac kasta u orda. Waxa loo baahanyey siyaasi yaqaana waxa ka maqan iyo jidka uu u marayo.
Reer Awdal maanta uma baahna qof 1960 kii iyo koonfur naceyb uga sheekeeya ee waxay u baahanyiin qof xuquuqdooda u raadiya, isla markaasna ka saara derejada ”2nd Class Citizenship”. Waxay kaloo u baahanyiin siyaasi ka xoreeya gumeysiga iyo gunnimada beesha dhexe ku hayso, sida ay isaga xoreeyeen reer SSC.
Sida Xildhibaan Maydhane sheegay, hal-kudhega reer Awdal waa ”Ninka sinaantaada diida, adna diid sarreyntiisa". Reer Awdal uma baahna khudbado dhaadheer, madhan oo is burinaya.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!