Maxkamada Oo 120 Maalmood Ka Dib Xayiraadii Ka Qaaday Hudheel Hargeysa Ku Yaala

0
Wednesday July 03, 2019 - 16:51:36 in News by
  • Visits: 3515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Oo 120 Maalmood Ka Dib Xayiraadii Ka Qaaday Hudheel Hargeysa Ku Yaala

    Maxkamada Oo 120 Maalmood Ka Dib Xayiraadii Ka Qaaday Hudheel Hargeysa Ku Yaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Oo 120 Maalmood Ka Dib Xayiraadii Ka Qaaday Hudheel Hargeysa Ku Yaala


Hargeysa(HWN):-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii ka qaaday Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, oo ay 03 Jan 2019 saartay xayiraad kooban oo ahayd in hudheelka la xidho 6-da makhribnimo taasi oo ka danbaysay eedo been abuura oo hudheelka laga gudbiyey.

Hudheel Hargeysa Ku Yaalla Oo 120 Habeen kadib Laga Qaaday Xayiraad Saarnayd


Maxkamada Gobolka Hargeysa oo mudo lix bilood ah uu ka socday kiiska dacwada eedaha loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ayaa kusoo gabgaboobay in waxba lagu waayey.


Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyey in kiiskii lagu soo eedeeyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex xukun kasoo saartay, kaasoo ay ku cadaysay in waxba lagu waayey eedihii loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, ee ay ku xayirtay markii hore.


Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo u mahadnaqay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa gabagabadii waxa uu soo bandhigay nuqul kamida xukunka maxkamadu kasoo saartay kiiska Hudheelka.

 

Loading...
Loading...