Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Ahmiyada Ciidanka Boolisku Uleeyihiin Somaliland

0
Friday November 03, 2023 - 18:16:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Ahmiyada Ciidanka Boolisku Uleeyihiin Somaliland

    WAR-SAXAAFADEED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR-SAXAAFADEED



Hargeysa-03-11-2023-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa maalinta wayn ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan maalinta barito hadii alle idmo.

 

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la aas-aasay 04/11/1993-kii, iyadoo ay ciidanku u dabaaldegayaan sanad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Booliska.

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, wuxuu ku boogaadinayaa Ciidamada Booliska hawsha culus ee ay qaranka u hayaan, waxaanu Wasiirku u hambalyo u dirayaa Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Booliska, Saraakiisha, Saraakiilkii Kuxigeenada, Alifleyda, Xaasaskooda iyo caruurtooda, waxaanu Wasiirku u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa in Eebe ku gaadhsiiyo horuumar, guul, Caafimaad iyo barwaaqo.

 

Ciidamada Booliska ayaa qaranka u haya shaqo aad culus oo ah amniga gudaha, waxay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta shacabka iyo goobaha muhiimka ah, waxay saaxib la yihiin dadweynaha, waxayna ilaaliyaan oo ka hortagaan mukhaadaraadka, fal denbiyeedyada, ka hortaga denbiyada abaabulan iyo soo qabashada cidkasta oo dhibaato geysata shacabka iyo guud ahaan amnigaba.

 

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.


Loading...
Loading...