'' Taariikhda Axmed Gurey ( Habar Magaadle) ''
Taariikhda Axmed
Ibraahin AlGhazi oo ku magac dheeraa Axmed Gurey muddo ku siman 15 sanadood
ayaan baadhayay , kutub badan baan ka akhristay oo ka bilaabanta Buuga Fatuuxal
xabash , hasa ahaatee Buugaas markaan fahmay socdaal dheer oo cilmi baadhis ah
ayaan galay .
- Aragtidda Taariikheed
ee Xabashidda ( Ethiopia prescriptive )
- Aragtidda Taariikheed
ee Soomaalidda ( Somali prescriptive )
- Aragtidda Taariikheed
ee Canfarta ( Afar prescriptive) .
Intaasba waan akhriyey
oo waan daraasadeeyey .
Intaas ka dib anigoo
adeegsanaya xirfadayda looyarnimo oo la xidhiidha baadhista iyo xukun soo
saarista waxaan baadhis ku sameeyey raadadka taariikheed iyo sooyeelka gobolka
anigoo uga dan lahaa bal in aan fahmo hab-nololeedkii waagii Axmed Gurey iyo
sidii uu ahaa .
Ugu dambayn waxaa soo
baxay arrimahan .
Canfarta iyo
Itoobiyaanku waxay qoreen Kutub taariikheed oo ku qoran afafka Carabiga ,
Ingiriisigga iyo Afka xabashigga hasa ahaatee Soomaaliddu Kutub aqooneed may
qorin marka lagga reebo buugaag kooban oo dhawaan soo baxday oo aan qoto
dheerayn .
Carabta , Boortaqiiska
,Ingiriiska ,Talyaanigga iyo Turkiggu waxay soso xiganayaan waxyaabaha
sooyaalka ay ka qoreen Xabashidda iyo Carabtu hasa ahaatee Wax Soomaaliddu
diyaarisay oo tixraac lagga qaataa ma jiraan .
Dhinaca kale Kutubta Bad-mareenadda
, Dhul-mareenaddu geyigga ka qoreen Sidda Kitaabka Rixlatu Ibnu Batuuta ilaa
First Foots in East Africa waxaad ogaanaysaa in Xeebaha Soomaalidda ganacsigga
iyo maamulka ay gacanta ku hayeen dadyow Carab u badan Soomaaliduna sidda ay
ilaa maanta tahay ay ahayd dad xoolo dhaqato ah oo reer guuraa ah , Reer
Soomali ah oo samaystay saldan leh deegaan rasmi ah iyo Talis maamul oo aan
Ajuraan ahaynina ma jirro .
Si kastaba ha ahaatee
waxaa xaqiiqo raadintii iigu soo baxay qodabadan .
1- Halganka Axmed gurey
wuxuu ahaa Halgan Diini ah ee ma ahayn Halgan qawmi ah , waxaana ka qayb qaatay
Islaamka Geeska Afrika , Soomaalidda iyo
Canfartu ha u bateene .
2- Maamulkii Saylac iyo
Herer waxaa gacanta ku hayay Carab reer Yamaneed ah , Salaadiinta iyo Umuraduna
Carab ayay ahayd , Axmed gurayna carabtaas ayuun buu ka mid ahaa .
3- Beelaha Soomaaliyeed
ee Halgankaas Aadka u galay waxaa ugu muhiimsanaa .
Beesha Isaaq gaar ahaan
Habar Magaadle , Beesha Harti iyo Mareexaan .
Dhinaca Saldanadda
Axmed Gurey waxaa ugu dhawaa Imaamkana xidid la ahaa Beesha Gerri koombe oo
maamulka door muuqda ku lahayd .
Imaamku Beelaha
Soomaalidda siduu ula hadlayay siduu ula dhaqmay iyo siday u wada shaqaynayeen
waxaad ka garan kartaa in uu ahaa hogaamiye Diineed oo aan Soomaali ahayn .
Tusaale ,Beesha
Mareexaan oo halganka diiday horaantiisii hogaamiyahooda oo la odhan jirey
Xaraabe xoog buu ku muquuniyey kuna ogolaysiiyey halganka , sidoo kale Beesha
Habar magaadle oo safaradda dhacdey oo shufto noqotay Dhulka u dhaxeeya Hargaysa ilaa Berbera xoog buu ku
muquuniyey aadna wuu u laayay .
Ugu dambayn waxaa
xogtaan heley iiga soo baxaydey in Beesha Habar Magaadle Isaaq ee kutubta ku
qorani tahay Magac Isaaqu waagaas dagaalka kaga wada qayb galay oo aan Habar
xabuusho ka maqnayn laba sababood awgoodna Habar magaadle magaciisa loo xusey
1- Deegaanka oo ka durugsanaa 2- Habar magaadle oo waagaas xoog uga badnaa
Habar xabuusho halgankana xoog uga muuqdey .
Dhinaca Habar magaadle
waagaas waxaa Hogaaminayay Beesha Arab oo kaalin gal ahayd , gaar ahaan Ardaaga
Muuse Celi Arab oo hadeer u badan deegaanka Baabuli ee galbeedka Jigjiga iyo
Gobolka Bakool , sidoo kale Awal iyo Garxajis iyana xoog bay ahaayeen laakiin
Arabka ayaa ka badnaa .
W/Q: Xildhibaan Ahmed
Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!