Puntland Oo Ku Gacan Sayrtay Baaqii Isimada

0
Friday November 03, 2023 - 06:41:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Ku Gacan Sayrtay Baaqii Isimada

    "Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada"



Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay "Madaxweynaha iyo baarlamaanka" oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada.

 

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas "fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

 


Loading...
Loading...