Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee La-Xisaabtanka Dembiyada Laga Galo Suxufiyiinta
Waxaa maanta oo kale,
2-da bisha November sannad kasta dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee loo
asteeyay dadaalka soo afjaridda dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta oo kuwa
geystaa aan loo ciqaabin.
Sida lagu sheegay
warbixin ay shalay sii deysay hey’adda difaacayaasha Wariyeyaasha ee
Fadhigeeduyahay New York ee CPJ Somaliya ayaa weli kaalinta labaad kaga jirta
dalalka wariyeyaasha dacwadaha lagu soo oogo, laakiin taa bedelkeedana aan
helin cadaalad la marsiiyo kuwa dambiyada iyaga ka gala.
16kii bishii la soo
dhaafay ee October ayaa waxaa muqdisho qarax lagu dilay wariye Cabdifitaax
Macalin Qeys. Sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda wariyeyaasha
Soomaaliyeed ee FESOJ iyo SOMA, sanadkan oo kaliya ilaa iyo 10 wariye ayaa la
xidhay, xarummo warbaahineed ayaa la weeraray, halka wariyeyaal badan ay la
kulmeen hanjabaad iyo jir dil.
VOA