DEG DEG Sirdoonka Somaliland oo qabqabatay rag looga shakisanyahay in ay yihiin tuugo
Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay koox ka kooban toban nin oo looga shakiyay tuugo.
Ragan oo kasoo kala jeeda waddamo kala duwan, ayaa dhammaantood sitay baasboorka dalka Marooko, oo ay ku safrayeen, iyaga oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Marooko, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NIA.
"Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo tuugo AH , raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko”.
Raggan ayay hay’addu baahisay sawiradooda iyo baasbooradooda, lakiin faah faahin kamay bixin waxa ay damacsanaayeen, iyo kalka ay u socdeen midna.
Booliiska Somaliland ayaa dhawaan isaguna sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakiyeen tuuganimo, oo magaalada Hargaysa ku sugnaa.