Shimbir Ilmaheeda Sigaar Siinaysa Oo Sawir Laga Qaaday
shimbir nooca xeebaha ku nool ah oo gaandhada sigaarka cunto ahaan
oga dhigaysa ubadkeeda iyada oo ku sugan xeebta Florida.
Arrintan ayaa waxa ay dib u abuurtay doodda ku saabsan in dadka u dalxiis taga xeebaha ay qashinka ku tuuraan xeebta, kadibna qashinkaas uu halis weyn galiyo xayawaanka kala duwan.
Karen ayaa
qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxa ay ciwaan uga dhigtay "Haddii
aad sigaarka dhuuqdid, Fadlan xeebta haku tuurin gaandhada sigaarka".
Ms Mason ayaa qaadday sawir kale oo muujinaya shimbirta yar oo afka ku qadata gaandhada sigaarka.
Shimbiraha
ayaa waxyaabaha la qubo u malayn kara cunto, waxayna ku quudiyaan dhashooda.
Afhayeen
u hadlay ururka badbaadada shimbiraha ee UK (RSPB) ayaa sheegay in shimbiruhu
ay yihiin noole wax dayday badan, waxyaabaha ay dadka tuuraane isku daya in ay
ogaadaan in ay waxaasi cunto yihiin.
"Noolayaasha
dabeecadda waxa ay la harjadayaan sidii ay ula qabsan lahaayeen dhaqanka dadka
ee qashin daadinta ah, sawirradan oo kale waa kuwa qalbi jab leh" ayuu
yiri.
Gaandhada sigaarka ayaa laga sameeya walxo bac ah, sannado badan ayayna qaadataa in ay ku milmaan deegaanka.
BBC