Abhinayo In Badan Baan, Aqoonsiga Baryaye, Ololiyo Dab Maanshido, Aduunyadu Ha Maqshe
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-ARIMIHII ADKAADO,EELKII LA GARANWA,
EESHIYO XANUUNKI,ARAMIDA GUNTEDII,
DADKIBA ASQOBO,AFKA GACANTA SARE,
AFLAGADO IYO CAY,EDAYN LOOMA BAANA.
2-ASAGEEN HALKU TEGAY,IGAMA ABO ROONEE,
ANIGAN ABAABULAN,AWRKA SAARIN HEERYO,
AFARTEEDA GEESOOD,ANBAQAADIN GEEDIGA,
AHAAN MAYSO SIDANO,DADKU SOO ADKAYSTE,
3-EHELIYO WALAALNIMO,UUB HADDAY KU TUUREN,
ARXAN LAGA SUGAYNOY,YAHIINUUN ISKEEN SII,
MEEL ITAAL NA GEEYABA,EEBADIYO WARAMADA,
WAA INOO LOO AFAYSTA,OO LA KALA ADKAADAA.
4-ABHINAYO IN BADAN BAAN,AQOONSIGA BARYAYE,
ALBAABKAAN GARAACNABA,ALHUUMAY DHIGENO,
NAXLIBA UURKA DHAANSHO,AARGOOSI WEEYAAN,
OLOLIYO DAB MAAN SHIDO,ADUUNYADU HA MAQSHE,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!