Qisadii layaabka ahayd ee Nabi Yuunas CS. Qalinkii Cabdi Cawiye

0
Wednesday July 03, 2019 - 15:06:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii layaabka ahayd ee Nabi Yuunas CS. Qalinkii Cabdi Cawiye

    Nabi yuunas cs waxaa loo diray qoomkiisii inuu hanuunka iyo wadada toosan ee ILAAHAY ummadihiisa u jeexay uu ku hago.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabi yuunas cs waxaa loo diray qoomkiisii inuu hanuunka iyo wadada toosan ee ILAAHAY ummadihiisa u jeexay uu ku hago.

Muddo dheer ayuu ugu yeedhayey Diinta Islaamka iyo wanaaga jidka wanaagsan lkn qoomkiisu wuxuu ahaa qoom aad uga madax adaygay qaadashada Dacwada uu ugu yeedhayo markuu wakhti dheer waday ayuu ku daalay oo ka niyad jabbay.

Wuxuu go'aansaday inuu iskaga tago qoomkan madaxa adag ee uu la dhibaatooday u sheegista dacwada, ugu danbayntii wuu ka dhaqaajiyey qoomkiisii taasoo ahayd qaladka uu galay waayo Allah muu siinin go'aanka uu kaligii qaatay.

Ugu dambayn wuxuu raacay Doon si uu uga tago qoomkiisii, markii doontii shiraacatay oo ay dhex mushaaxday biyihii ayaa waxa ku kacday mawjado waaweyn waxaana doontii ka luntay dheeli tirkii waxaana go'aan lagu gaadhay in la yareeyo culayska saaran doonta waxaana la daadiyey alaabadii lkn waxaa nasiibdaro noqotay in aanay wali doonto dheeli tirmayn waxaana go'aan lagu gaadhay in qof ka mida dadka doonta laga tuuro si dadka kale ee saarani u badbaadaan.

waxaa go'aan noqotay in la qori tuuro oo qofka nasiibkiisu uu ku dhaco doonta laga tuuro waxaana la bilaabay, qori tuurkii wuxuu ku dhacay nabi Yuunas cs lkn dadkii doonta ayaa yidhi ha lagu celiyo waayo ninkani wuxuu leeyahay haybad ama waji qof wanaagsan. Mar labaad ayaa lagu celiyey nasiib daro se isagii uun bay ku dhacday, mar sadexaad ayaa lagu celiyey

waxa ay ku dhacaday isla Nabi Yuunas CS waxaana laga tuuray doonidii markiiba waxa qabtay oo liqay Nibiri.

 

Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Xuudka ama nibiriga, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay.

 

Nabi Yuunus sadex maddow oo isku dhex jira ayuu kusii hoos jiray

madowga habeenka

Madowga badda

madowga caloosha nibiriga.

isagoo madowyadaa dhexdood ku jira ayuu u sujuuday Allah,Isaga oo leh Ilaahayow waxaan kuugu sujuuday meel aan waligii bashar kuugu sujuudin, ee iga tawbad aqbal.

 

Waxaana kalmadihii qaaliga ahaa ee uu Allah ku baryey ka mid ahaa (لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين).

Oo macnaheedu yahay "ALLAH ADIGA AH MOOYEE ALLAH KALE MA JIRO ANIGUNA WAXAAN KA MID AHAY KUWA GEFEY"

kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaadhay samooyinka, kadib waxa maqlay malaa’iktii waxayna yidhaahdeen, Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel annagu aananu garanayn.

 

Ilaahay  waxa uu yidhi waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdi dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii Nibiriga dhexdiisa. Malaa’igtii waxay Allah ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Allahna wuxuu u waxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta.

 

Xuudkii ama nibirigii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso diirkii oo dhana ka baxay jidhkiisa. markaasuu Allah kasoo bixiyey geed la yidhaa Yaqdiin xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay midhihii geedka, waana hadhsaday sidoo kale waxa u imanaysey maalin kasta Garanuug ama deero, kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda.

 

Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa caafimaaday kadiba waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus cs.

Haddaba akhriste sheekadan waxa ku jirta aayad duco ah oo haddii aad akhrido dhibkasta Ilaahay kaa qaadayo

ا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين).

Waa duco mustaajabo ah oo hadaad akhrido ilaahayna ku barrido lagaa dul qaadayo wax kasta oo ku saarnaa.

 

 

Qalinkii Cabdi Cawiye.

[email protected]

+252634115877


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...