Ciidanka Booliska Somaliland Oo Baafinaya Cida Iska Leh Lacag Ay Ku Qabteen Nin Soo Dhacay.
Hargaysa (HWN) Ciidanka
Booliska Somaliland ayaa baafinaya lacag ay sheegeen inay ku qabteen nin tuug
ah oo watay lacagta.
Ciidanka ayaa qoraal ay
soo saareen ku sheegay in lacagtaasi la siindoono cidii sheegata tiradeeda,
waxaanu qoraalku uqornaa sidan:-
Baafin :
Taliska Ciidanka
Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa
waxa uu raadinayaa qofkii lahaa lacag maanta lagu qabtay Eedaysane Axmed Maxamed Ibraahim 32Jir
Ina Faadumo Maxamed Cabdillaahi kaasi oo
ciidanka boolisku kusoo qabteen
lacagtaasi , taasi oo uu soo dhacay , Lacagtaasi oo iskugu jirta S/land
Shilin iyo Dollerba .
Waxaana qofka
lacagtaasi ka maqantay laga rabaa ina uu sheego tiradeeda .
Haddaba waxaanu ka
codsanaynaa dhammaan shacabka Somaliland ina ay cidii lacagtaasi ka maqantay
ina ay tagaan Saldhiga Dhexe Hargaysa ama garacaan numberkan 0634408459
Ciidanka Boolisku waxa
uu halkan digniin uga dirayaa dadka falalka noocaasa caado ka dhigtay , kuna
hawlan ina ay dhacaan hantida dadweynaha
, waxaanu u sheegaynaa ina ay ka waantoobaan
, haddii kale gacan bir ah ina aanu ku
qaban doono.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL
Call number 999