Kenya Oo Aad Fiisa La'aan Ku Gali Karto
Madaxweyne William Ruto
ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka
Afrikaanka ah ee dalkan soo booqanaya halka lagu gaaro dhammaadka sanadkan.
"Waxaa la joogaa
waqtigii aan... ogaan lahayn in xaddidid fiisaha dhexdeenna aysan dani inuugu
jirin," ayuu u sheegay shir caalami ah.
Socdaalka fiisa
la’aanta ee qaaradda ayaa ahaa yoolka Midowga Afrika (AU) tobankii sano ee la
soo dhaafay.
In kasta oo ay jiraan
heshiisyo goboleed iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka loo marayo
qaadista xannibaadaha ayaa ahayd mid gaabis ah.
Seychelles, Gambia iyo
Benin oo kaliya ayaa bixiya dal ku gal la'aan dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka
ah, sida lagu sheegay warbixin uu taageero Midowga Afrika 2022.
Laakiin marka loo eego
Tusaha Furitaanka Dal-ku-galka Afrika – oo cabbiraya heerka uu waddan kasta oo
Afrika ku yaalla u furan yahay dadka ka imanaya waddamada kale ee Afrika –
waddammada intooda badani waxa ay horumar ka samaynayaan fududaynta hababka
gelitaanka oo ay xannibaadyo ku soo rogaan waddamada kale qaarkood.
Sannadkii 2022, Kenya
waxa ay gashay kaalinta 31-aad marka loo eego 54 gobol.
Madaxweyne Ruto ayaa
dadweynihii ku sugnaa Congo-Brazzaville u sheegay inay u xun tahay ganacsiga.
Horaan ayey ahayd
markii madaxweynaha Kenya uu sheegay in Kenya ay caalamka oo dhan u ogalaan
doonto inay dalkiisa kusoo galaan Fiisa al’aan
BBC