Boqol Sano Guurada Turkiga Oo Looga Dabaal Dagay Soomaaliya
Arrinka hoos loo
dhigay, si kastaba ha ahaatee, waxa uu niyad-jab ku abuuray dad badan oo
Turkiga ku nool oo aaminsan in xukuumadda Erdogan ay isku dayayso inay wiiqdo
dhaxalka aabbihii aasaasay jamhuuriyadda, Mustafa Kemal Ataturk.
Waxa ay u arkaan farxad
la’aanta iyo xamaasad la’aanta in ay tahay isku day ay dowladda, oo asalkeeda
ka heshay dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Turkiga, si ay u tirtirto xusuusta
Ataturk.
Madaxweyne Erdogan ayaa
Axadda maanta kormeeray hab-maamuuska soo jireenka ah ee dhigista ubaxa ee
qubuuraha Ataturk ee caasimadda. Ka dib waxaa lagu wadaa inuu u safro Istanbul
si uu u daawado raxan raxanta maraakiibta militariga ah ee marrinka Bosporus,
ka dibna ay ku xigto dabaal degga diyaarad aan duuliye lahayn iyo rash iyo
baaruud la ridayo. Khudbadda uu ku xusayo munaasabaddan, ayaa la filayaa inuu
ku soo bandhigo waxqabadkii dowladdiisa ee 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Dalka Turkiga waxa uu
maanta xusayaa sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay
jamhuuriyadda casriga ah oo cilmaaniga oo ka timid burburkii boqortooyadii
Cusmaaniyiinta – balse iyada oo aanay jirin dabaal dag weyn oo lagusoo
dhaweeyay.
Dawladaha caalamka oo
ay ku jiraan kuwa NATO iyo kuwa Muslimiinta ayaa tahniyado usoo diraya
madaxweyne Erdogan. Munaasabad lagu qabtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya
ayaa si qurux badan looga xusan maalintan, iyada oo uu raysal wasaaraha
Soomaaliya ka qayb galay kana jeediyay khudbad.
Dalalka Pakistan, Qatar
Azerbaijan iyo Khazakhistan ayaa ka mid ah kuwa sida gaarka ah ugu hambalyeeyay
Turkiga boqol jirsigiisa.
Hase yeeshee xukuumadda
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa door biday dabbaaldeg hoose, iyadoo ay ku
soo beegantay bilo ka dib markii dhulgariir khasaare geystay ay ku dhinteen
50,000 oo qof, wuxuuna ku soo beegmayaa dagaalka Israa'iil iyo Xamaas oo
halakeeyay Bariga Dhexe.
BBC