Fadhaan-fadh ama Faraan-Far (Naked Mole-Rat)

0
Sunday October 29, 2023 - 13:08:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fadhaan-fadh ama Faraan-Far (Naked Mole-Rat)

    W/Q: Naasir Haybe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Naasir Haybe

No description available.



 

Fadhaan-fadh ama Faraan-Far (Naked Mole-Rat) waa bahal ku nool dhulka hoostiisa ee dhulka Somalidu degto. Bahalkan god-kunoolka ah wuxuu u nool yahay qaabka shinidu u nooshahay xaga social structure ka. Wuxuu samaystaa tunnels gaaraya ilaa 5 Hector oo farqyo badan leh.

 

Maadaama uu ku nool yahay dhulka hoostiisa, oo si loo arkaaba way adkaanaysaa. Wuxuu cunaa jiridaha dhulka hoostooda ku baxa. Waxa cajiib ah jirida uu wax ka cuno, kuma noqdo ilaa intii uu cunay ay dib u soo noolaato. Wuxuu noolaadaa ilaa 30 sano ilaa 40 sano.

 

Ilaahay سبحانه و تعالى waxuu Xayawaanka dhulka ugu abuuray ee Adam iyo Xaawa hortood dhulka u keenay, inay dadku ka cibri qaataan, kana bartaan "Farsamooyin" badan, oo aan la'aantood dhulka la deganaan karin. Waxaana ka mid ah sida looga dhiso dhulka hoostiisa: Wadooyin shaxaysan (Tunnel Road Network).

 

Markuu godka qodanayo saf bay galaan sidii conveyor belt ayay ciida u guraan, isku dhiib. Gaaladu waxay ku sameeyeen daraasado looga faa'iidaystay cilmi badan. Wax kasta oo Allah abuuray waxa ku jira cibro qaadasho iyo xigmad. Bahalkani wuxuu i xasuusiyay Suuratul النمل oo Allah SWT ku xusay qudhaanjada:

 

قال تعالى: )حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ( (سورة النمل: الآية 19



Eng. Nasir Heybe.

Toronto, Canada.


 

 


 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...