Shil Dhimasho Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Dalka Masar

0
Sunday October 29, 2023 - 06:51:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Dhimasho Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Dalka Masar

    "Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadku ay u dhinteen gubasho."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadku ay u dhinteen gubasho."



Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay dalka Masar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

 

Shilkan ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay gobolka Beheira ee dalka Masar oo ku yaalla waddada isku xidha Qaahira iyo Aleksandria, oo 131km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Qaahira.

 

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhaawacmay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

 

Wargeyska Al-Ahram ee dowladda ka soo baxa ayaa sheegay in shilkan uu ka dhashay bas rakaab ah iyo dhowr baabuur oo qaarkood uu dab qabsaday.

 

Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadku ay u dhinteen gubasho.

 

Ugu yaraan 20 ambalaas ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay, sida ay bayaan ku sheegtay wasaaradda caafimaadka.

 

Wasiirka caafimaadka Dr Khaalid Cabdel Qaffaar ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah loo gudbiyay isbitaal ku yaala Wadi al-Natrun, halka kuwa kalena loo qaaday Al-Nubaria.

 

Isku dhaca gaadiidka ayaa ku badan Masar. Waddooyinka ayaa inta badan xaaladdoodu liidataa iyadoo aan la raacin xeerka waddooyinka.

BBC


Loading...
Loading...