Baarlamaaka Soomaaliya Oo U Jaaabay Xildhibaan Marwo

0
Sunday October 29, 2023 - 06:47:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaaka Soomaaliya Oo U Jaaabay Xildhibaan Marwo

    "in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania"



Kadib doorashadii gudduumiyaha baarlamaanka aduunka ee ka dhacaysay dalka Angola oo hadal hayn ka dhalisay Soomaalida dhexdeeda, waxaa markii u horeysay ka hadlay guddoonka baarlamaaka Soomaaliya.

 

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ay wax ka ogayd warqad uu soo qoray gudoomiyaha Baarlamaanku, taasoo ku saabsanayd in Soomaaliya ay ka tanaasushay musharaxnimada madaxweynaha baarlamaanka Afrika.

 

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo hoggaaminayay wafdi baarlaamaanka katirsan oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ka dhacday magaalada Luanda ee dalka Angola, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tansaaniya ay ku heshiiyeen, in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania, halka Tansania ay Soomaaliya kala shaqeynayso in ay ku biirto ururka bulshada bariga Afrika, iyo kursi kale oo yaala Qaramada Midoobay.


Loading...
Loading...