Kumuu Ahaa Macalinkii Iyo Abwaankii Hargeysa Caanka Ka Ahaa Ee Maanta Geeriyooday?
Waxaaa saaka magaalada
Hargeysa ku gooriyooday alaha u raxmadee abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka
tirsanaa bahda hal abuurka Somaliland.
Sida uu noo sheegay xildhibaan
Xassan Dhuxul Laabsaalax oo ay saaxiib ahaayeen ayaa BBC u sheegay in Gahayr uu
qabay xanuunka sokorta oo uu muddo la dhibanaa sidoo kalana uu la qandhanaa
dhawanahaan xumad ka jirta Hargeysa oo ay dad badan ka cabanayaan.
Sanadkii 1986-dii ayuu
abwaan Siciid Gahayr ku dhashay magaalada Hargeysa. Dugsiga hoose dhaxe wuxuu
ka baxay iskoolka Riis, dugsiga sarana wuxuu dhigtay iskuulka Maxamuud Cali,
halka jaamacad Hargeysa uu ka qaatay shahaadada kowaad.
Alaha u raxmadee Gahayr
wuxuu ahaa macalin, qoraa iyo hal abuure suugaaneed oo si weyn looga yaqaana
dhulka Soomaalida.
Wuxuu lahaa ilaa
toddobo buug oo qaybtood uu gacanta ku hayey inta uusan geeriyoon iyo kuwa soo
baxay oo la daabacay.
”Wuxuu ahaa maktabad
guuraysa, nin dadka caawiya oo dabeecadiisu cidna shaashayn oo qofkasta jeclaa.
Wuxuu ahaa saaxiibkey mudo dheer, wuxu ahaa nin danta guud ee bulshada ka hormariya
tiisa gaara.” ayuu yiri Abwaan Laabsaalax oo BBC la hadlayay.
Marxuunka ayaa ifka ugu
tagay laba xaas iyo wiil lagu magacaabo Cadnaan Siciid Maxamuud Gahayr sida uu
xusay abwaan Laabsaalax oo taariikhdisa nooga waramay.
‘’Wuxuu ahaa oo an
qiryaa inuu ahaa shaqsi balanta ku fiicnaa, dadka nugul caawiya oo waliba aan
ka harin caawintooda”
Waxbarashada Somaliland
ayuu ku lahaa door muuqda, wuxuuna inta badan dugsiyada sare ee Hargeysa ka
ahaa macalin maadada Bayloojiga ka dhiga.
Dugsiyda sare ee uu
baraha ka ahaa waxay kala yihiin Gacan libaax, Quule, Maxamuud Axmed, Nuuradiin
iyo kuwa kale oo badan
Sugaantii Abwaan
Gahayr.
Abwaan Siciid Maxamuud
Gahayr ayaa ka soo jeeda qoys suugaaneed. Aabihiisa ayaa gabyaa ahaa halka
hooyadiisnatirin jirtay buraanburka.
Laakiin isagu wuxuu
badaha maansada yabyabkeeda bilaabay intii uu ku jiray waxbarashada sare, sanadkii
2007-dii xiligaas oo curunteeda uu bilaabay.
"Waxaan dhagaystay
maanso la yiraahdo 'Hagar Laawe' oo uu tiriryey Allaha u naxariistee Abwaan
Gaariye, anigoo jooga Pakistan xiligaas ayaan raadraac ku bilaabay suugaanta
iyo hal abuurka,”ayuu ku sheegay waraysi uu hore u bixiyey Abwaan Gahayr.
Wuxuu lahaa suugaan
kala duwan oo gabayo u badnaa sida 'Dugaal, Dunta Nabada iyo Hiigsi nabadeed ee
colaad laga hadlayey' oo ay ku wada jiraan abwaano kale duwan.
Maansada ugu caansan ee
u tiriyey ayaa lagu magacaabaa 'Samaan Hooyo' oo ah maanso xambaarsan hilow uu
u qaaday hooyadii xilli uu waxbarasho u aaday dalka Pakistan.
Buugaagtii uu qoray
Allaha u raxmadee
abwaan Siciid Gahayr wuxuu ahaa qoraa sameeyey buugaag kala duwan oo dhaqanka,
nolosha iyo jacayl ku saabsan iyo kuwo kale oo uu ka qoray dad taariikh ku
lahaa Somaliland.
Sida uu horey u sheegay
sanadkii 2005-tii ayuu bilaabay qoraalka isagoo Idaacada Radio Hargaysa gayn
jiray maqaalo.
Buugaagta uu qoray
waxaa ka mid ahaa buug uu ku tilmaami jiray inuu ahaa curadka buugaagtiisa kaas
oo uu ka qoray taariikhda allaha u raxmadee Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu kala
magacaabi jiray 'Astaantii Nabada iyo Sama-Talis'.
Kuwa kale oo uu qoray
waxaa ka mid ahaa kuwa inta badan taabanayey nolosha dadka iyo kuwa uu ku
baaqayey in qabyaaladi aysan meelna looga hormari karin.
Bil ka hor mar uu
BBC-du la hadlay ayuu abwaanku ka tacsiyeey geerida laba ninoo dhallinyaro ah
oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Sheekh ee
Somaliland, isaga oo ka sheekeeyey taariikhda allah u raxmadee labada nin oo
ahaa film qaadayaal ka tirsanaa shabakadda Waqal studio.
Abwaanka waxaa maanta
lagu aasayaa magaalada Hargeysa halkaas oo saaka uu ku geeriyooday.