Maxaa Kajira In Muqdisho Laga Dejiyay 'Madax Adhi' Oo Laga Keenay Dalka Dibaddiisa?
Saacadihii lasoo
dhaafay waxaa baraha bulshada ay ku kulanto si weyn looga hadal hayay ‘Madax
Ari’ kaas oo lagu tilmaamay in laga keenay dalka dibaddiisa isla markaana
loosoo iib geeyay Soomaaliya.
Badeecadaha lagu iibiyo
suuqyada yar yar ee loo yaqaanno [Super market-yada] ayaa la rumeysanyahay in
badankood laga keeno dalka dibaddiisa, hase yeeshee dad badan ayey layaab ku
noqotay hadalka ah 'in dalka la keeno madax ari', iyadoo lawada ogyahay in
Soomaaliya ay dalka dibaddiisa u dhoofiso xoolaha nool oo ay dhaqashadooda caan
kutahay.
Waxaa la baahiyay in
mid kamida suuqyada gudaha dalka, ay keeneen madaxa ari iyadoo la tilmaamay in
dibadda laga keenay.
Haddaba maxaa kajira in
suuqyada muqdisho lagu iibinayo madaxa ariga ee laga keenay dibadda?
Xiriir aan la sameynay
mid kamida suuqyada ugu caansan magaalada Muqdisho, ayaa inoo sheegay in ay
iibiyaan noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha oo uu ki jiro madaxa xoolaha,
hase yeeshee waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in hilibka ay iibinayaan
uu yahay mid laga keenay dalka dibaddiisa.
Waxa ay noo sheegeen in
ay madaxa iyo hilibka kale ee xoolahaba ka iibsadaan gudaha dalka ayna kusii
iibiyaan suuqooda, iyadoo aysan jirin wax hilibka xoolaha ah ee ay ka keenaan
meel ka baxsan Soomaaliya.
Marka la eego qaabka uu
u habeysanyahay madaxa iyo sida loo diyaariyay waxa ay muuqaal ahaan ka
duwantahay sida suuqyada caadiga ah ee Muqdisho ee lagu iibiyo hilibka xoolaha
ay u diyaariyaan, arrintaasi waxa ay dadka ku badin kartaa walaaca laga
muujinayo in madaxa ariga laga keenay dalka dibaddiisa.
Mid kamida suuqyada
muqdisho ee la sheegay in ay dalka kasoo dejiyeen madaxa ariga ayaa BBC u
sheegay in ay warbaahinta dib kala hadli doonaan.
Maxaa ka run ah sawirka
faafay?
Sawirka baahay ee laga
hadal hayo baraha bulshada ayey dad badani rumeysanyihiin in uu yahay kan
dhabta ah ee lagasoo qaaday gudaha suuqyada Muqdisho.
Sawirkaa ayaa muujinaya
madax ari oo ku sajalan bac, kaas oo laga fiiqay haraga.
Baaritaan aan ku
sameynay sawirkaas ayaa muujinaya in uu yahay mid aan laga lahayn ama lagu
qaadin gudaha Soomaaliya, waxa muuqata in aysan lahayn suuqyada Muqdisho.
Sawirka ayaa waxaa lagu
daabacay bogga Facebook ee suuq iibiya noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha
iyo adeegyada kaleba, kaas oo laga leeyahay dalka Libya bishii 21 kii bishaan
October, waxana lagu magacaabaa, [ Summit Company for Importing Foodstuffs],
iyadoo barta ay ku leeyihiin Facebook-ga ku baahiya waxyaabaha la xiriira
badeecadooda.
Baraha bulshada gaar
ahaan Soomaalida dhexdeeda ayaa inta badan lagu baahiyaa warar abuur ah, iyadoo
dadka qaar aysan waqti badan ku bixinin baaritaanka sax ahaanshaha ee waxa la
baahiyay.
Waxa ay noqon kartaa in
dadka qaar ay u isticmaalaan qaab dacaayad ah iyadoo dad kale ku weeraraya
warar been abuur ah, balse marka lasii baaro noqon kara waxyaabo been abuur ah.
Khayraadka Xoolaha ee
Soomaaliya
Waxaad arkaysaa
dhaqaalaha soomaaliya in uu ku salaysanyahay ama ku tiirsanyahay waxyaabo fara
badan, ayadoo ay ugu horayso xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kaluumaysankaro
iyo waxyaabaha kale.
Soomaaliya ayaa dalal
dibadda ah oo u badan dalalka Carabta waxa ay dhoofisaa xoolaha nool haba ugu
badnaato xilliyada ciidda carrafo.
Walow ay jiraan
waxyaabo badan oo Soomaaliya uga yimaada ama loogasoo dhoofiyo dalalka
caalamka, haddana kama mid ahayn waxyaabaha sida hilibka xoolaha oo kale ah.
BBC