Siciid Deni Oo Shuruudo Adag Duldhigay Mashaariicda Laga Fulinayo Puntland.
Madaxweynaha Puntland,
Siciid Deni ayaa shuruudo adag dul dhigtey mashaariicda laga fulinayo
deegaannada Puntland, ka dib markii mashaariicda caalamka la hoos geeyey
Dowladda Federaalka.
Shirka Golaha
Wasiirrada ayuu madaxweynuhu wuxuu hey'adaha dowladda faray qodobadan;
1. Mashruuca
horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)
2. Qoondada Puntland ee
Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta
3. Maamulka iibka
(procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee
Puntland
4. Hantidhawraha Guud
ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland
5. Lacagta mashruuc
kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada
oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo
(Fund Flow).
Xukuumada Faderaalka
Somaliya iyo maamul goboleedka Puntland Ayaan isku fiicnayn kadib markii labada
dhinac eedo isku jeediyeen.