DEG DEG Somaliland iyo Baanka Horumarinta Afrika oo ka wada Hadlay Mashaariic Waaweyn

0
Thursday October 26, 2023 - 09:48:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Somaliland iyo Baanka Horumarinta Afrika oo ka wada Hadlay Mashaariic Waaweyn

    Geesta kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda jididadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda jididadka



Wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda wadooyinka Somaliland ayaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kula kulmay masuuliyiinta Baanka Hurumarinta Afrika, oo ay Somaliland ka wada shaqaynayaan dhismayaasha jidad muhiim ah ee laga hirgalinayo dalka.


 

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Mawliid Nuux ibraahim, oo siwada jira warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in masuuliyiinta Baanka Hurumarinta Afrika ay kawada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dhismayaasha jidad muhiim ah ee laga hirgalinayo dalka.



 

Geesta kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda jididadka iyo hay’adda waddooyinku in ay masuuliyiinta baanka horumarinta Afrika kawada hadleen bilawga dhismayaasha jidka Somaliland iyo D.jabouti iyo sidoo kale daraasada jidka Hargaysa ilaa Oodawayne, waxaanay tilmaameen in ay sida ugu dhakhsaha badan loo guda-galayo mashaariicdaasi.


 

Dhinaca kale waxa ay sheegeen in masuuliyiinta baanka horumarinta Afrika ay ka wada hadleen qorshaha bilowga jidka isku xidhaya dalalka Somaliland iyo Jabuuti, Lawyacaddo iyo Borama, waxaanay intaas ku dareen in si deg dega loo bilaabi doono dhismayaashooda, waxa kale oo ay iftiimiyeen halka uu marayo qoshaha dardargelinta Jidka Oodweyne iyo Burco.


 

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Mawliid Nuux Ibraahim ayaa sheegay in aanu wali soo dhammaan daraasadda Pay-pass-ka Mashruuca Berber Corridor ee Wajaale.

Loading...
Loading...