DEG DEG Nuxurka Kulan Dhexmaray Dowladda Somaliland iyo Hay'addaha Caalamiga ah

0
Thursday October 26, 2023 - 09:42:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Nuxurka Kulan Dhexmaray Dowladda Somaliland iyo Hay'addaha Caalamiga ah

    Intii uu socday shirkaasi waxa lagaga wada hadlay i...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu socday shirkaasi waxa lagaga wada hadlay i...



Shir lagaga arrinsanayo qaabka loo fulinayo dhismayaasha danta guud ee dalka lagu caawiyo ayaa dhexmaray wasaaradda hawlaha guud iyo hay’addaha caalamiga ah ee fuliya dhismayaashaasi.


 

Shirkaasi waxa ka qayb galay wasiiradda hawlaha guud, waxbarashada, caafimaadka, degaanka, xanaannada xoolaha iyo hay’addaha fuliya dhismayaasha danta guud ee dalka la siiyo sida kuwa UN -ta iyo NGOs’ka iyo hay’addaha caalamiga ah.



 

Intii uu socday shirkaasi waxa lagaga wada hadlay in wasaaradda hawlaha guud qayb ka ahaato xulista goobta dhismaha laga dhisayo, in ay ansixiso nashqada iyo qiimaynta dhismayaasha, in ay masuul ka ahaato kor joogtaynta iyo ilaalinta Tayada dhismayaasha, bixinta dhameystirka dhismayaasha, in ay ku darto diwaangelinta hantida maguurtada ah, in ay kaydiso asalka xogta dhismaha, inay sameyso shahadada badqabka dhismaha.

 

 

Loading...
Loading...