DEG DEG Mowqifka Somaliland ee Damaca Itoobiya ee Dekedda Saylac

0
Thursday October 26, 2023 - 09:39:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Mowqifka Somaliland ee Damaca Itoobiya ee Dekedda Saylac

    darteedna aanay Somaliland u hayn bad Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

darteedna aanay Somaliland u hayn bad Itoobiya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale jawaab ka bixisay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay dawladda Itoobiya ee ku aadan inay rabto dekedda Saylac.


 

Somaliland ayaa meel adag iska taagtay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac, iyada oo sheegtay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato, marka loo eego hadalkii Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed, sidaas 



darteedna aanay Somaliland u hayn bad Itoobiya.


 

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo arrintaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dalabka keliya ee Somaliland aqbaleyso ay tahay maalgashi la isla ogyahay, oo wadadiisa loo soo maro, inkasta oo uu ka dhawaajiyay in damaca Itoobiya uu sidaa ka duwan yahay.


 

"Deked waa la maalgashan karaan, dekedda Berbera dad ayaa nala maalgashaday. Marka deked lagula maalgashanayo shuruuc ayay leedahay oo heshiis ayaa la galaa” ayuu yidhi Wasiir Saajin.


 

"Somaliland in deked lala maalgashado waxba kama qabto, ee mid ayaa meesha taalla oo aan weli dadku fahmin, waxa weeyi deked la wada maalgashado kama hadleyso Itoobiya ee waxay ka hadleysa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku siiyo noocaas.”


 

Wasiir Saajin ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay hore uga baxday heshiiskii dekedda Berbera oo ay saami ku laheyd, islamarkaana aanay u hayn dhul ay siiyaan

Loading...
Loading...