Maxaad Ka Taqaannaa Xeer Ciise?

0
Wednesday July 03, 2019 - 07:38:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaannaa Xeer Ciise?

    Ku dhawaad 500 oo sano ayaa laga joogaa xilligii la sameeyey Xeerka qabiilka Ciisaha, iyada oo ay sameeyeen 100 oday oo la soo xulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 500 oo sano ayaa laga joogaa xilligii la sameeyey Xeerka qabiilka Ciisaha, iyada oo ay sameeyeen 100 oday oo la soo xulay.

Waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuula hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya diridhaba iyo jabuuti.



Sameynta xeerka ciise ayaa waxay ka dhalatay duruuf adag oo xilligaasi Soomaalida soo wajahday, xilligaasi oo ahaa xilliga uu jabay halgamaagi weynaa ee Soomaaliyeed Axmed Guray.


Dhulka Soomaalidana waxaa isku fidiyey boqor qowmiyadda Oromada ka soo jeeda oo dhulka buuraleyda ka yimid kaa soo soo qaaday duullimaad aad u xooggan oo loo yaqiinnay Gaala Invasion, boqorkaasi oo loo yaqiinnay 'Ala-Bore'.


Xilligaasi oo ku beegan xilliyada ay soo baxday ciyaarta loo yaqaanno 'Wilwilo', 'Hari maahee anna haaban,, nikaan helnaa ma habboona'.


Haddaba nin la odhan jiray 'Cali kala geeye' oo cuqaasha xilligaasi ka mid ahaa ayaa sababay in Xeer Ciise la sameeyo maadaamaa ay xilligaasi noolasha adkeyd, waxaana xeerkaasi ugu waaweyn shan qodob, sida uu sheegay Oday Adan Allaale oo wariyaha BBC, Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam uu kula kulmay Magaalada Diridhaba.


Shanta qodob ee ugu waaweyn ee ay beesha isku raacday waxay ahaayeen:

1.     Ugaaskaa ka dhaxeeya

2.     Xeerkaa ka dhaxeeya oo qof kaste qabanaya

3.     Ceel iyo Caws baa ka dhaxeeya, dhulka Ciise ma kala laha ayay ka dhigan tahay

4.     Barayadaa ka dhaxeysa, inta uu ciisuhu isdhex marayo sahay iisuma qaadanaya oo cidda uu u soo martiyo waxaa waajib ku ah iney soo dhaweeyaan.

5.     Gaashaan baa ka dhexeeya, taasoo ka dhigan haddii reer Ciise ah la soo weeraro ciisaha kale inuuu soo gurmado ayaa waajib ku ah, sidaas ayuu ku saleeysnaa xeerka Ciisuhu xilligaa.


Sida uu dhigayo xeerka Ciisaha wax la yiraahdo 'Ganda' ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go'do, waana waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka. ayuu yiri Oday Adan Allaale.


Ugaaska sidee loo doortaa?

Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska.


Noqoshada Ugaaska Ciise xeer gaar ah ayay leedahay:

"Dhaxal ma aha, ugaaska maanta jooga ugaaski shalay dhintay wiilashiisa wey nool yihiin ma dhaxli kareyn oo dhaxal ma aha far iyo faal baa loo galaa, guddiya dhan baa u fadhiisata oo 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa."


"Inta loo maleeynayo iney ugaas noqon karaan baa haddana la soo uruuriyaa oo toddoba ayaa la isugu soo reebaa, toddobadaas ayaa haddana la kala qaadaa, dee kii Alla siiyo ayey noqotaa." ayuu yiri Aadan.


"Haddii Ugaas xeerka ka tallaabsado Ciise sida uu doonayo uu yeeli, waayo Ciisuhu wuu iska ridi karaa ugaaska marka cimaamaddaa laga tuuraa la yiraahdaa.


"Ugaasyo hore wey ku dhacday, ugaasyo ka yaacay dhulkaa jira oo galay Harar, oo Harar ka sii yaacay oo tafiirtooda ay Addis Ababa joogto maanta ayaa jira" ayuu yiri.


Xeerka ciise waxaa lagaga dhaqma beesha Ciisaha meel walba oo ay dunida ka joogto.

 

BBC

 

Loading...
Loading...