War Deg Deg Ah:-Rasaas Xoog Ku Bilaabantay Oo Hada Si Teel Teel Ah Uga Dhacaysa Ceel Afweyn Iyo Xaalada Taagan.

0
Tuesday July 02, 2019 - 21:51:14 in News by
  • Visits: 12530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Rasaas Xoog Ku Bilaabantay Oo Hada Si Teel Teel Ah Uga Dhacaysa Ceel Afweyn Iyo Xaalada Taagan.

    War Deg Deg Ah:-Rasaas Xoog Ku Bilaabantay Oo Hada Si Teel Teel Ah Uga Dhacaysa Ceel Afweyn Iyo Xaalada Taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Rasaas Xoog Ku Bilaabantay Oo Hada Si Teel Teel Ah Uga Dhacaysa Ceel Afweyn Iyo Xaalada Taagan.


Hargeysa(HWN):-Rasaas xoog ku bilaabantay oo u dhaxaysa beelihii  hore ugu dagaalamay degmada Ceel Afweyn ayaa ka bilaantay degmadaasi.


Sida uu sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee gobolka Sanaag, Rasaastan ayaa hada si teel teel ah uga dhacaysa gudaha degmada Ceel Afweyn iyada oo aan hada lahayn awoodii ay ku bilaabantay.

Image result for war deg deg ah


Sidoo kale wararka ayaan ilaa hada xaqiijin waxyaabaha sababay in iska horimaad dagaal mar kale ka qarxo degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo dhawr goor oo hore heshiis la kala dhex dhigay beelaha hada ku dagaalamaya.


Iska hor imaadka ka socda degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ee u dhaxeeya beelihii hore u dagaalamay ayaa ilaa hada Hadhwanaagnews loo xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay hal qof oo dhalinyaro ah kaas oo xabad jeeraaro ahi ka heshay suuqa.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin dhinacyada uu dagaalku ku dhexmarayo gudaha magaalada Ceel Afweyn, iyada oo wariyaha Hadhwanaagnews uu xaqiijiyey inaanay jirin ciidamo ilaa hada kala dhexgalay.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com


Cabdirisaaq Good Nuur


Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland


Email:-[email protected]

Loading...
Loading...