Maxkamad Xukun Xabsi Ah Ku Ridday Gabadha Saddam Xuseen
Maxkamad ku taalla
magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku
xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq
Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay "buun-buunisay” xisbiga Bacath ee
aabaheed.
Xisbiga ayaa la kala
diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii
duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.
Sida ku cad xukunka, oo
wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam
Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah "sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada
xisbiga Bacath ee la mamnuucay," intii lagu guda jiray waraysiyo
taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.
Dalka Ciraaq maanta,
qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo
maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.
Xukunku ma tilmaamayo
kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.
Balse sanadkii 2021,
Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka
warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u
dhaxaysay 1979 ilaa 2003.
"Dad badan ayaa ii
sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh," ayay u
sheegtay kanaalka Sacuudiga. "Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo
qani ah."
Raghad waxay ku
nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay,
waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.
Inta badan
Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka
wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa.
VOA