Xukuumadda Iyo Baanka Horumarinta Afrika oo Iska Kaashanaya Dhismayaasha Jidad Muhiim ah

0
Monday October 23, 2023 - 11:28:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Iyo Baanka Horumarinta Afrika oo Iska Kaashanaya Dhismayaasha Jidad Muhiim ah

    Dhismayaasha jidadkan ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhismayaasha jidadkan ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn



Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cabadirisaaq Ibraahin Maxame oo socdaal shaqo ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nayroobi,ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Baanka Horumarinta Afrika,waxaanay ka wada hadleen isla markaana Baanka Horumarinta Affrika iyo Somaliland ay wada go,aamiyeen dhismaha Jidka Boorama illaa Lawyacado iyo samaynta Daraasadda Jidka Hargaysa illaa Ood-wayne



 

Kulanka oo uu qayb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Md. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaalagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Lowyo-cado Fardaha illaa Boorama, iyo bilowga Daraasadda Wadada Hargaysa, Oodweyne illaa Burco.


 

Weftiga oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Kiiniya ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadanayeen masuuliyiinta ugu sarreeya Baanka horumarinta Afrika, kaas oo Somaliland ka caawinaya dhismayaasha jidadka Boorama illaa Lawyacado iyo samaynta daraasada jidka Hargaysa ilaa Oodwayne.


 

Dhismayaasha jidadkan ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn u qabo in la dhiso, sababta oo ah waxa ay muhiim u yihiin isku xidhka gobolada dalka iyo sidoo kale dalalka aynu dariska nahay sida Jabuuti oo kale, kaasi oo xidhiidh dhaqaale iyo mid gacansiba uu inaga dhexeeyo.


 

Gabogabadii Jidka Boorama, Fardaha illaa Lawyacado ayaa ah mid ay dhammaatay daraasadii lagu hagayay jidka intiisii badnayd balse ay u hadhsan tahay in la dhiso oo kaliya, weftiga xukuumada iyo masuuliyiinta Baanka horumarinta Afrika ayaa go,aan ku gaadhay in dhismaha jidkaasi muhiimka ah la bilaabo inta sanadkan ka hadhay.

Loading...
Loading...