Fahamka Shucuurta dadka kale
Sheeko aan ka akhriyey buugga la yidhaahdo 'The 7 Habits of Highly Effective People, Stephen Covey'; waxay ahayd: "maalin maalmaha ka mid ah waxaan saarnaa tareen.Tareenka meesha aan ka fadhiyey waxaa soo fuulay nin iyo laba carruur ah oo la socday.Waxay ahayd subax hore, qolka aanu tareenka ka fadhinay waxaa saarnaa dad badan oo kollay shaqo u socday.
Ciyaalkii waxay bilaabeen qaylo, or-orod iyo qalalaase. Dadkii tareenka saarnaa aad bay u dhibsadeen qalalaasaha carruurta. Anigoo ka xanaaqay sababta uu ninku u kaantarooli(xakamayn) waayey carruurtiisa, ayaan ku idhi, ninkoow! Maxaad carruurtaada u fadhiisin weydey? Inta uu i soo jalleecay iyada oo wejigiisana dhib ka muuqato, ayuu yidhi, waan ka xumahay, waan is illaaway. Imika ayaanu dhakhtarka ka nimi halkaas oo hooyadood ku geeriyootay.
Dr. Stephen Covey wuxuu yidhi, "markaan maqlay warkaa, xanuun badan ayaan dareemay, dadkii qolka tareenka fadhidey oo dhan xanuunkii ayey la qaybsadeen ninkii, oo ku soo kaceen in ay la caawiyaan carruurta, In ay mar danbe dhibsadaanba iska daayoo."
Sheekadani waxay Ina xusuusineysaa in marar badan aynaan qorshaha ku darsan xaalada dadka aynu la mucaamilaynaa ay ku sugnaan karaan. Go'aano ama ficillo aan munaasib xaalada ku ahayna aynu sameyno.
{فَٱقۡصُصِ ٱلۡقَصَصَ لَعَلَّهُمۡ یَتَفَكَّرُونَ}
Ka sheekee qisooyinka laga yaabee in ay fekeraane.
Surah Al-Aʿrāf: 176
Mahadsanidiin
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





