Waa Maxay Xukunka Alle?
Waxaa aad u badan inaan maqalno dad badan oo waqti kasta ku baaqaya in dalka lagu xukumo Diinta Islaamka,waxaa kale oo iyana badan qof kastana mar ama ka badan dhagahiisa ku soo dhacday,dad oranaya waxa ay dhibaatooyinka inoogu dhacayaan waa inaga oo ka tagnay xukunkii Alle iyo shareecadiisa.tiiyoo in badan oo dadkaas ka mid ahi haddii fasira la yiraahdo xukunka Alle ee aad doonaysaan ama Shareecada maqan ee aad sheegaysaan waxa ay tahay aysan fasiri karin.
Xukunka Alle waa cadaalad wax kale maaha,haday dadku xukunka maqan taas u jeedaana waa sax waayo Ilaahay wuxuu yiri:-
"وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ"
"Hadaad dadka xukumaysaan cadaalad ku xukuma”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"وأنس بن مالك -رضي الله عنه- قال: قال رسول الله - صلى الله عليه وسلم-: إذا حكمتم فاعدلوا"
"Hadaad xukumaysaan cadaalad ku xukuma”.
Ilaahay Cirka iyo Dhulka Cadaalad ayuu u taagay umad kasta oo Cadaalad ku dhaqantana wax baa u badbaada,
Umad kasta oo cadaaladda ka tagtana way bur burtaa,wax baana ka halaaba.
Ahmiyada xukunka Alle ee cadaaladda ahi leeyahay dartii ayuu Ilaahay mararka qaar la xariiriyay Iimaanka oo uu yiri ciddii xukunka Alle ee Cadaaladda ahi ka tagta way gaalowdaa ama daalimiin bay noqdaan,ama faasiqiin bay noqdaan.
-وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْكَافِرُو.
-وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ.
-وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ.
In kasta oo ay Culimada Mufasiriinta ah intooda badan tibaaxeen in gaalnimada halkaan lagu sheegay aysan ahayn tii diinta looga baxayay ee ay tahay gaalnimo yar oo gaalnimada weyn ka sokaysa oo ka dhigan dambi weyn.
Jamhuurta Culimada waxa ay fasirkaas ku raaceen saxaabiga Cabdullahi ibnu Cabaas oo ahaa tarjumaankii Quraanka uu Rasuulkuna scw uu ugu duceeyay
"اللهم فقه في الدين وعلمه التاويل"
"Ilaahow diinta fahamsii oo fasirkeedana bar”
Ibnu Cabaas mar uu Aayadahaas fasirayay waxa uu yiri:-
"إنه ليس بالكفر الذي تذهبون إليه إنه ليس كفراً ينقل عن الملة. "أخرجه الحاكم في مستدركه، وقال صحيح الإسناد ولم يخرجاه. ورواه البيهقي في سننه.
"Maaha gaalnimadu midda aad aadaysaan mana aha gaalnimadan mid qofka diinta ka saaraysa”.
Si kasta oo ay arintu tahay Xukunka Alle waa cadaalad,cadaaladina waa u muhiim jiritaanka insaanka waqti walba .
dhabaha Nolosha iyo tijaabooyinkaba waxaa lagu ogaaday in meel kasta meesha ay ka Cadaalad badan tahay ay ka nolol wacan tahay,Umad kastana inta ay Cadaaladda iyo Cilmiga u jirto ay u jirto horomarka iyo ka jibokeenista guusha Dunida.
Waxaa kale oo xusid mudan in ay Culimada kala qaadeen arinka oo ay yiraahdeen kolka qofka ku gaaloobayo Cadaalad diidnimada waa marka uu si qalbi ah u ictiqaadiyo in xukunka Alle ee cadaaladda ahi laga fiican yahay,lkn hadii isaga oo og in xukunka Alle ee Cadaaladda ahi wax ka fiican uusan jirin uu xukun hawadiisa ah oo Cadaalad daro ah wax ku xukumo kolkaas ma gaaloobayo laakiin dambi weyn ayuu ku dhacay”.
Sheekh ibnu taymiya AUN wuxuu yiri:-
" «الـلـه ينصر الدولة العادلة وإن كانت كافرة، ولا ينصر الدولة الظالمة ولو كانت مؤمنة».
"Ilaahay wuxuu u gargaaraa Dowlad Caadilad xitaa haaddii ay gaalo tahay,umana gargaaro Dowlad Daalimad ah xitaa haddii ay Islaam tahay”.
Dowlad aan islaam ahayn waxay ku jiri kartaa cadaaladeeda inta ay cadaalad ku taagan tahay halka ay dowlad muslim ahina ku burburi karto cadaalad daradeeda.
Sheekh Ibnu Qayim wuxuu yiri:-
" «إذا خيرت بين إمام كافر عادل وإمام مسلم ظالم، فإنني أختار الإمام العادل الكافر، لأن عدله لي وكفره عليه، أما الآخر فإسلامه له وظلمه علي»
"Haddii la i kala dooransiiyo Imaam Gaal ah oo Caadil ah iyo Imaam Muslim ah oo Daalim ah,waxaan Dooran lahaa Imaamka Gaalka Caadilka ah,waayo Cadaaladiisa anigay i anfacaysaa Gaalnimadiisana isagaa leh,lkn Imaamka Muslimka ee Daalimka ah,Islaanimadiisa isagaa leh lkn Dulmigiisa aniga ayuu i dhibayaa”.
Culimada iyo dadka aqoonta durugsan u leh diinta waxaa la gudboon in marka ay arimahan Xukunka iyo Shareecada ku saabsan ka hadlayaan dadka u bayaamiyaan in dadka islaamka ah diintooda ay ku dhexjiraan oo aysan jirin diin meel gaar ah oga xabisan Qof Islaam ah ee kaliya la doonayo in waxyaabaha ay markaa ku gabood faleen uun lagu baraarujiyo sida muujinta Dhaqanka suuban oo ay Cadaaladuna ugu horeyso.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





