S/Land Way Ku Daysay Ee Beel Waliba Deegaan-Keedda Ha Maamulato ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday October 22, 2023 - 18:07:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    S/Land Way Ku Daysay Ee Beel Waliba Deegaan-Keedda Ha Maamulato ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Ruux Is Waalaba, Waabiyaa Hela, Ee Wareer Goo, Wax Is Moodaye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Ruux Is Waalaba, Waabiyaa Hela, Ee Wareer Goo, Wax Is Moodaye.



Aad baan ugu faraxsanahay sidda ay khaatumo ay maamulkii askarta u bah-dishay, oo ay weliba uga gacan sarayso ee ay hadh cad u muquuniyeen, waxay yihiin tuseen.


Horaa loo yidhi " Karis xun oyana wax ku la'" qofkii run isu sheegayaw, murti,daasi waxay inoo fasilaysaa halka ay maanta marayso magaca sare ku yaalaa, waxana aan idiin leeyahay yaanay wakhti dambe idin-kaga lumin been iyo khiyaali aan jirin, hana isku maaweelinia huu-haa aan sal iyo raadlahayn. Waa magac ay aan jirin, waxase meela-haas la wareega kuwa ku shaqaysta, oo hantidda ummadda ku mamay, sidda labadda Askari,saleebaan yuhuudi iyo kooxdda lagu adeegto, sidda jin-dagaagay iyo digsi xagato, oo ay ka mid yihiin Bakhti dhego-weyn, Nabanaha maaliyadda, awr-kiraalaha Calimareexaan,kooraysane iyo qaar kaloo badan, inkastoo aanay wax is dhaama lahayn haba-yaraatee waxa sacabka ka daba garaacaa " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ee ay yihiin bakhtiga ma cuno ee fuud-kiisa baan cunaa, tuug macaan jecel ah oo wax ay ka xishoodaan la hayn. Waana tan cadayntii in wixii S/Land la odhan jirey ay burburtay.



 

Waxa hore loo yidhi " Farsama xumo futadda daanteed bay ku goysaaye" Waxay dhashay Macangag-nimaddii iyo waaliddii ay nacayb beeleed iyo dagaal abuurku caloosha dhaamisay, ee bal akhriya waxa ay ku dambaysay wixii beri loogu yeedhi jirey S/Land.


(a) Goboladdii Harti siday u dhamaayeen oodda bay jebiyeen, ka bacddii markii siddii la ogaa loo galay. Waxan kale oo aan doonayaa in aan halkan ku hambaliyeeyo Aqoonsiga ay heshay Maamul Khaatumo oo ah "Maamul Gobleed buuxa" Taas oo micnaheedu yahay in aanay cid,na U daba fadhiyin taladoodda. Waxa leeyahay Alle ha idin garab gallo waad ka guulaysa-teen maamulkii askarta'e.


 

(b) Waxa kale oon halkan uga gudbinayaa Samaroon iyo Ciise oo aan leeyahay waan idinku Habaliyey-nayaa Jabhadaha aad samaysa-teen, ee ha ka soo laabanina, sidaas hartiga baad libinta gaadhi doon-taane, taas oo aad ku doonaysaan Madax banaani-diina, waad heli doontaan guusha aad rabtaan, sababta oo ah cidna dhul-koodda ma rabtaan. Rabbina wuu idin la jiraa, waayo xaqiinii iyo dhul-kiinii baad leedihiin nooga taga, ee xaq darro ma rabtaan. Waa laga dheregsan yahay xasuuqa, gar-darooyinka iyo xaq daradda ay maamulka " Xaafaf-Tooyadu Idinku hayaan, waxa kale oo aan halkan uga gudbinayaa Hambaliyo madax-weynaha Jabhadda Awdal State, oo ah Saaxiibkay Mukhtaar Cali Adan, oo markii " Xaafad-Tooyadu" Ay xidhay aan anigu uga ashtakooday Amnesty International, oo aan jeelkii ka siidaayey. Waxan idin leeyahay ku socdda waa gaadhi doontaan guusha, oo waad jebin doontaan xaq-darrada'e.


(c) Waxa kale oo aan dhamaan farayaa kuwa sheegta magac ay isugu yeedhaan marka ay xaaladu ku qudhmuuntay, itaal daran yihiin, ee ay beel kale ka awood sarayso sidda dhulbahante, kaas oo ah wax ugu nagac dareen " Isaaq" Laakiinse aan wax micnaha saymayn, kuna fadhiyin, io iyaka laf-toodu aan naf isu hayn, ee ay seeftu dhex miranayso markay ay iyaku is cunayaan, kuwaas oo aan cabaad-na dayn, wax-na aan isku tarin, iska qaban xaq-darradda, cadaalad xumaanta, khaladka, ee sacabka isugu tuma reer hebel la colaw, ma rabaan dawladnimo, ee ka xoogsadda bay isu magacaabeen, tiina socon wayday, ee iyaka cirka roob ku og.


 

Waxa aad wax ku noqon lahaydeen la iddinku kari waa daaya, kuwaas oo ahaa beelaha daraf-yadda, kuwiina idinka tage, ee yaad isu yeel-yeeli doon-taan.Ugu dambayn waxan ku soo qoofalay qoraalkan, hees baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Fad baa da'a oo faraaci noqdee la kala firidh faalka ii baxay" Beel kastaa deegaan-keedda ha ka taliso, cashuur-teedda wax ha ku qabsato, bal cid wax ku la' ee ku waydda ama ka faa'iidaa ha soo baxeene, dib dambe ma u dhacayso beel-beel u talisaa, waayo meeshan wax aad sii eega-taan ma yaalan, Somaliland-taad sheegay-saan waa idinka been, afaka baar-kiisa iyo munaafaqad aan run idinka ahayn, waayo haddii ay idinka dhab tahay khaladka baad iska qaban lahaydeen, ee hadaba cirka ka soo maala.


* N.B Ruux Is Waalaba, Waabiyaa Hela, Ee Wareer Goo, Wax Is Moodaye.


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...