"Dawlada Soomaaliya Iyo Hay'adda ICOA Wada Hadal Qarsoodiya Ayaa Dhexmaray"…Somaliland.

0
Tuesday July 02, 2019 - 20:37:52 in News by
  • Visits: 4228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dawlada Soomaaliya Iyo Hay'adda ICOA Wada Hadal Qarsoodiya Ayaa Dhexmaray"…Somaliland.

    "Dawlada Soomaaliya Iyo Hay'adda ICOA Wada Hadal Qarsoodiya Ayaa Dhexmaray"…Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawlada Soomaaliya Iyo Hay'adda ICOA Wada Hadal Qarsoodiya Ayaa Dhexmaray"…Somaliland.


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay sida ay u aragto in hay’adda duulimaadyada qaramada midoobay ee ICOA ay maamulka iyo dhaqaalaha hawada dalkii laysku odhan jiray ku wareejiso dawlada hada ka talisa Xamar.




Wasiirka arimaha dibada somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadal qarsoodi ahi dhexmaray dawlada soomaaliya iyo hay’adda ICOA kuwaas oo gaadhay heshiis aan la aqbali Karin isla markaana hirgelintiisu adag tahay.


Wasiir Faratoon oo ka hadlaya sida ay somaliland u aragto in soomaaliya lagu wareejiyo dhaqaalaha hawada dalkii soomaaliya ayaa waxa uu yidhi "Arintaas waxaan u aragnaa mid khalad ah oo si khaldan u dhacday caalamkuna aanu ogolayn anaguna aanaan ogolayn imikana aanan filayn inay sidaas ku sii socoto.”ayuu wasiirka arimaha dibada somaliand.


Sidoo kale waxa uu sheegay in wada hadal qarsoodi ahi dhexmaray soomaaliya iyo hay’adda ICOA waxaanu yidhi "Si ay ku dhacdayba hay’adda ICOA iyo dawlada soomaaliya wada hadal qarsoodiya oo aan la ogayn cidinka kula socon ayaa dhexmaray, hawadiina ay ku wareejiyeen meelo badana waa laga qaylinayaa una malayn maayo inuu hirgelayo.”

Loading...
Loading...