Musaambiik Oo Gubaysa 45,000 Oo Digaagadood & Sababta
Musaambiik ayaa gubaysa
45,000 oo digaagadood si ay u xakamayso hargabka shimbirraha ee ka imaanaya
Koonfur Afrika.
In ka badan 45,000 oo
digaagadood ayaa la gowracay, la gubay, deetana la xabaallay koonfurta
Musaambiik si looga hortago faafitaanka xanuunka hargabka shimbirraha sida ay
sheegeen saraakiisha wadankaasi.
Digaaggan ayaa laga soo
dhoofiyay dalka dariska ah ee Koonfur Afrika, halkaas oo uu cudurku ka
dilaacay.
Cudurka ayaa hadda ku
faafay degmada Morrumbene ee ku taala gobolka Inhambane ee koonfurta dalka
Musaambiik.
Masuuliyiinta ayaa isku
dayaya inay xakameeyaan faafitaanka cudurka, iyadoo ay sii kordhayso cabsida
laga qabo inuu qaybo kale ka dilaaco.
Hargabka shimbirraha
waa cudur faafa oo ka yimaada digaagga iyo shimbirraha duurjoogta ah.
Wuxuu si dhakhso ah ugu
faafi karaa shimbirraha dhexdooda maalmo guduhood.
Cudur kan ayaa keenay
in ay yaraato ugunta iyo hilibka digaagga, taasina waxay kordhisay qiimaha lagu
kala iibsado maalmihii ugu dambeeyay guud ahaan dalka Musaambiik oo ay ku jirto
caasimadda Mabuto.
Qiimaha hilibka
digaagga ayaa ku dhawaad laba laabmay, isagoo ka tagay 350 lacagta Musaambiik,
gaaryna illaa 600. Ukunta ama beedka ayaa iyana darsinkii ka tagtay 100 metical
gaartayna 150 lacagta Musaambiik.
BBC