Geelii La Celin Waayay,Ciinku Mar Daaqa,Carab Fudaydka Qaarkiina,Ceebaad Ka Dhaxasha.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Cadawiyo Adoon Kala Aqoon,Cadho Cid Kuu Haysa,
Caadifad Inaad Hadashido,Ciibnah Kugu Raacaday,
Ciil Kaanbi Kugu Reebaysiyo,Caabuq Kugu Beermah,
Caado Weeye Laga Fiican Yahay,Camali Shaydaanku,
Ciideenan Cadaw Doonayaad,Tidhi Casuun Baad Tay,
Cilmi Yaraan Caqliga Gaabanba,Camalaqasa Keena,
Cirka Sare Dhurwagii Ka Ciyay,Cawrala' U Yeedhay,
Caadilkeed Ka Baridu Ka Cunay,Cuday Dhaqanayso,
Caawa Miyidin Dhaantan,Haddu Cagaha Soo Saaro,
Ciin Daaqe Caruurahii Golahee,Nalagu Caameeyay,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!