Doorashiyo Kuraasida Dib Inoogu Yare Dhiga,Dagaal Bayna Haystee,Aan Difaacno Qarankeena.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Degdegiyo Dhaqso U Fuli,Dantu Waxay Ku Faraysen,
Daruriyeenad Hurahayn,Dacar Qadhadh Ha Noqote,
Deriska Kuwaynu Nahay,Dalka Daraan Wadaagno,
Dagaal Wuu Ina Haystaa,Dibadaha Iyo Gudaheena,
Dawladaha Aduunyada,Duulka Ugu Xoog Badanba,
Daandaasi Nagu Wada,Taywaantaas Daraadeedoy,
Doorkan Soo Siyaadayo,Xamarna Soo Diraysayon,
Doonaaya Wada Hadal,Ama Inuu Nala Dagaalame,
Duqa Beydan Doono,Dekedaheenan Dhamaantood,
Qalinka Ugu Duugno,Deriskuna Ha Quusteenoon,
Debnahaba Ayay Furin,Hadalkana Ha Daayaanba.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!