War Degdeg Ah: Shacabka Boorama Oo Guux Bilaabay & Xukuumada Oo Udirtay Wafdi Culus.

0
Saturday October 21, 2023 - 21:33:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Shacabka Boorama Oo Guux Bilaabay & Xukuumada Oo Udirtay Wafdi Culus.

    "Wafdi uu hogaaminayo Saylici kamay hadal qodobada ay kala hadlayaan wax garadka Boorama"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wafdi uu hogaaminayo Saylici kamay hadal qodobada ay kala hadlayaan wax garadka Boorama"


Boorama (HWN) Hadalkii shalay ka soo yeedhay ugaaska Guud ee Beesha Gadabuursi (Samaroon)  Ugaas Cabdirixiin Ugaas Rooble ee ahaa in Somaliland ka baxdo deegaanada Beeshiisa ayaa dareen ka dhex abuuray shacabka Gobolka Awdal ee Somaliland.

 

Dareenkaasi ayaana sababay in xukuumada Somaliland ay wafdi culus oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiirada kaga jira beesha Samaroon ay udirto Gobolka Awdal, kuwaasi oo shirar la leh waxgaradka kala duwan ee shacabka Boorama.

 

Wafdi uu hogaaminayo Saylici kamay hadal qodobada ay kala hadlayaan wax garadka Boorama, balse xogaha ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in xukuumada Muuse ku dadaalayso inay wax ka qabato cabashada Awdal, si ayna Awdalna umarin wadadii ay martay Sool.

 

Warkan wixii ka soo kordha kala soco warar kayaga dambe.

 


Loading...
Loading...