Xisbiyadii Xumaadoo, Xagal Daacshe Qarnimo, Xeer Haddanuqabanayn, Xisbiyada Inaga Xidha.
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-XAR HADDUU UL KAA GALO,WAA LAYSKA XOORAA,
XISBIYADII XUMAADOO,XAGAL DAACSHE QARNIMO,
WAA NIMAN XINTAMAYE,XAGEEBAY INOO WADI,
XEER HADDANU QABANAYN,XISBIYADA INAGA XIDHA.
2-XALKU WUXU U MUUQDA,XAAJADEENU GEEDKIYE,
XEER BEEGTI GUURTIYA,XAABADAN AAN AHAYNO,
ISXANBAAR KU SOO BIXIN,DEGDEG AAN U XULANE,
XEER HADDANU QABANAYN,XISBIYADA INAGA XIDHA.
3-ISXAYDXAYDKI BEENOW,LOO XUUBSIIBAY DHAQANKII,
XABADIYO DILIYO XADHIG,AFRIKAANKU XOOGXOOG,
KU XISAABTAN MOOYEE,XEELAD KALEBA MAY BARAN,
XEER HADDANU QABANAYN,XISBIYADA INAGA XIDHA.
4-XORNIMADA IYO NABADII,LAMA MARIN XAQOODII,
XUNBO DAAD MA NOQOTEE,XAMARTA LA HAYSTAAD,
XAWLIGA INAAD LA SIMANTAN,XAASHE KA FIIRSADA,
XEER HADDANU QABANAYN,XISBIYADA INAGA XIDHA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





