Gabay; Xeebta Saylac iyo Ethiopia
Maxamuud Gabaygan wuxuu u tiriyey faarax oo ah nin ay asxaab ahaan jireen dhalinyo nimadoodii telefoona kusoo weydiiyey aragtida uu ka qabo Xeebta Saylac ee Ethiopia hadal hayso iyo waxa sababay.
Wardiga iyo waleylbay naftani, weheshanaysaaye
Waysada anoo qaatey oo, waajib gudanaaya
Walaayada ragii lagu ogaa, way wahsanayaane
Balaayada anoo waab ka galay, weehashiyo buuqa
Warka soo lalee iigu yimid, waraqu waa yaabe
Waxyi maaha ee waa dareen, wiirsi iyo ciile
Xaajada rag weydaa marbay, waabis noqotaaye
Wehelkiisa ruuxii diluu, cadaw ku wiirtaaye
Waalalow dadkaygani galaan, way ka leeyahaye
Weedhaamis goortey gashay, taladii waayeelku
Aniguna inaan weedh idhaa, saw wax jira maaha.
Xigto weeye wiil iyo nin dhalay, wax isu haystaane
Weeraar mid joogiyo ilaa, Waylo laga gaadho
Widhwidhtaa agteeniyo ilaa, wabiga daaciise
Wardheer dacaladeediyo ilaa, waajir iyo doollo
Run hadii warkaygani yahay, Wax isma doorshaane!
Wajiga iyo waxaa lagu gartaa, muuqa weyda ahe
Intuu waaxidkay uumay waa, duul walaalo ahe
Hadii cadaw u soo weeraro, dibad ka soo wiiqo
Waxay hayso way wada dhigtaa, ficilna waw doore
Wanqashoodu waa waran afliyo, wadhaf colaadeede
Duufaan haduu soo wajaho, waysu olashaaye
Waabey markay taagan tahay, waa wad iyo naare
Waxyeelada ma qaataan hadaan, waaxid ka hadhayne
Wadeecadadadkaygii heshay , waa waxsaar kale
Sidii ruux wajaqay bay hadana, isu wareentaaye
Goortey is wada dooxatey, waafi noqotaaye.
Waasan kuma bariistaan dadkii, soo wacnaanjiraye
Waabeeyo qiil laga dhigtaa, la igu waaqleyne
Wacdigii iblayskiyo jinbaa, weelal kuu tumaye
Sidii ay waxwada leeyihiin, uma wadaagaane
Ninba weelka madhanbuu cushaa, gaax wixii hadhaye
Wiliqdhabateygoortuu qabiil, waab kusoo xidhaye
Wadartiina kii neceb xumuu, kuu widhwidhiyaaye
Waa weyso diid nimankan aad, daba washleysaane
Kufri weynahay nacay ayey, weheshanaayaane
Sidii wali ilaah soo diray, ugu wareegaane
Wataataca warkiisaa u ah, waano iyo hiile
Wahan iyohaduu faaraxow, waa ku daalacaye
Wallo iyo walayta rabta, badaha waaweyne
Werjigunawixii baaqi hadhay sii walwaashaday e
Wargeys lama hadlaayee adaan kuu waramayaaye
Adiguna widhiidhow dhegahaad, wax iska saartaaye
Sidii waax jidhkayga ah tahaan, kuu walwalayaaye
Wasiilana waxaan ula tagaa, qaar wanaag wada e
Adna gaal wishiisi ah ayaad, daba washleysaaye
Malab weelsan laga buuxshaybaan, kuu wadaa waliye
Walaal igu lamaan bay naftani, wali kumoodaaye
Shaydaan waswaaskiisu waa, waxaad la waalayde
Adna waranka aad haysataad, igu wareentaaye
Waynaha ayaan kuu baryaa, wacad ilaahaye
Waagii aan toosaba adaan, kuu walwalaaye
Adiguna warmoogow aduun, waa lagaa dadeye
Waabey ayaad ila rabtaa, suu wadkay galaye
Wadiiqadu waxay kugu ridaa, waa wadada weyne
Wixii kaa qaloocdaba ergaa, lagu wareejaaye
Inagoo walaalo ah ayuu, waaxidkay rabaye
Taladaa wagdaha yeelataa, wiiqday noloshiiye
Allaha waasacaan uga baryey, inay ka waaqdaane
Amiin Dhahadawaanadu marbay, waajib noqotaaye
Maxamuud Cabdilahi Roble
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!