Muuse waa inuu joojiyaan jabhadeynta iyo reer miyiga uu isku hubeynayo. Qore: Naaleeye.

0
Saturday October 21, 2023 - 11:47:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse waa inuu joojiyaan jabhadeynta iyo reer miyiga uu isku hubeynayo. Qore: Naaleeye.

    Sidoo kale, dadkii uu Muuse u khudbeynayey waxa wejiyadooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, dadkii uu Muuse u khudbeynayey waxa wejiyadooda



Muuse Biixi, marna laga yeeli maayo inuu dalkan ka abuuro jabhado qabiil iyo qabaailka oo la isku hubeeyo. Muuse marna ma sii ahaan karo Madaxweyne Somaliland.Muuse waa inuu tagaa. Berri ma aha, maanta waa inuu tagaa. Muuse oo Madaxweyne ka sii ahaada Somaliland waa ceeb iyo qaran jab.



Muuse dembigii uu ka galay Somaliland waxay ka muuqtay wejigiisa oo tiiraanyo dartiis la madoobaadey markii uu ka khudbeynayey xafladii uu ugu yeedhay shirka dhaqaale.


Qof kasta oo daawanayey hadal jeedintiisii waxa si cad ugu muuqaneysay in Muuse ku jiro Shoog iyo in wejigiisa ka muuqaneysay diif iyo daal aan caadi ahayn.


Sidoo kale, dadkii uu Muuse u khudbeynayey waxa wejiyadooda ka muuqaneysay niyad jab iyo inaaney ku qanacsaneyn waxa Muuse u akhriyayo.Dadku waxay u hamuun qabeen inuu uga warramo waxa ku dhacay Ciidankiiqarranka iyo gobolkii Sool ee isagoo camiran lagu wareejiyey, halka uu dhaqaale uga sheekeynayo dad saddexda wakhti hal mar wax quuta.


Guud ahaan caalamka waxa laga wada ogyahey jabkii uu Muuse Biixi gaadhsiiyey ciidankii qarranka iyo mooralkii reer Somaliland, illaa heer Soomaalidu ku maadeysatay oo mataaneysey Jabkii Ciidanka qarranka ka soo gaadhay Gooja Cadde, iyo kii Ciidankii Israaiil ee xeryahooda ay cagta mariyeen dagaalyahanada reer Falastiin.


Intaas oo dhan oo jirta, ayuu Muuse Biixi abaabulayaa dagaal sokeeye oo hubka la isugu dhiibayo beelo reer miyi ah oo wada deggan deegaanada Qorilugud illaa gobolka Sanaag.


Abaabulka dagaaladaas sokeeye, Muuse ugama jeedo danta Somaliland ee wuxuu uga jeedaa dantiisa gaar ka ah oo ah inuu xukunka ku sii heysto inta uu hanti boobka iyo dhul boobka ku jiro.


Bedbaadinta naftiisa.


Muuse halkii uu xooga saari lahaa inuu dib u saxo khaladaadkii uu dalka iyo ciidanka qaranka ka galey, isla markaasna uu ka xisaabtami lahaa masuuliyadii la dayacay oo uu dib u ururin lahaa wixii ka hadhay ciidankii qaranka, wuxuu ka doorbidey inuu abaabulo maleesiyaad beeleed iyo inuu hadba meel ka khudbeeyo oo reer Somaliland u tilmaamo cadow dibedeed oo been ah iyo cadow gudaha ah oo Xusbiga mucaaridka ee Wadani iyo taageerayaashiisa ah.


Qorsha isku hubeynta reer miyiga waxa Muuse uga wakiil ah kooxda ku caan baxday daadinta dhiiga Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana dhiiga reer Somaliland oy hogaaminayaan Maxamed Kaahin, Saleebaan gaal, Cali Mareexaan iyo Gen. Taani.


Maalmahan, waxaan arkeyney maleesiyaad ka soo jeeda beesha bariga Burco oo saxaafada ka hanjabaya, kuwaasoo Muuse ku bedelay ciidankii qarranka.


Muuse iyo Maxamed Kaahin waxay u qeybiyeen maleesiyaadkaas hubkii loogu talo galay ciidanka qarranka, waxayna u diyaarinayaan inay weeraraan dadka reer guuraaga ee beelaha Harti ee aagga Qorilugud illaa gobolka Sanaag degen.


Sababta Muuse u abaabulayo dagaalka reer miyiga:-

Sababaha Muuse u sameynayo jabahada waxa ka mid ah:-


1.Inuu indhaha dadka ka jeediyo jabkii ku dhacay Ciidankii qaranka iyo qaran jabkii talo xumadiisa ka dhashay.


2.Si uu u fashiliyo doorasho dhacda 2024,waa inuu dalka dagaal geliyo. Maadaama aanu heyn ciidan u fuliya dagaal rogaal celin ah, waa inuu abaabulo oo qalabeeyo maleesiyaad beeleed dagaalka u fuliya si uu u yidhaado dalku dagaalbuu ku jiraa oo doorasho ma geli karo.


3.Haddiiba doorasho lagu khasbo, wuxuu aaminsanyey in beelaha Harti ee gobolka Sanaag iyo wixii aagga Buuhoodle ka codeyn kara ay u codeyn doonaan Xusbiga Wadani. Sidaas darteed, waa inuu dagaal ku qaadaa oo xuduuda codeynta dhaafiyaa


Maxaa la gudboon Xusbiga Wadani:-


Xusbiga wadani waxaa lagu dhaliilaa, markuu tamar hayo talo ma hayo, markuu talo hayana tamar ma hayo. Taas macnaheedu waxa weeye , marka Muuse Biixi siyaasad ahaan iyo awood ahaanba u wiiqmo, Xusbiga Wadani wuxuu galaa khuuro iyo hurdo dheer, markii Muuse soo kabto oo awood yeeshona waxay bilaabaan kacdoon iyo ka kacaay, kadibna waxa ka dhasha xasuuqa taageerayaashiisa.


Ugu dembeyn haddii aad maanta oggolaataan in taageerayaashiina beesha dhexe lagu jiheeyo taageerayaashiina beelaha Harti ee Somaliland aaminsan, taas macnaheedu waa inaad Muuse Biixi u hibeyseen kursigii aad ku bixiseen qiimaha badan. Waa inaan Muuse iyo Maxamed Kaahin laga oggolaan inay dalka geliyaan dagaal doorasho ka carar ah.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...