Damaca ethiopia ee badacas iyo siday arintaasi khatarta u tahay..?
Damaca ethiopia ee saylac waa mid soo jiraan tariikh ahaana soo noqday laba jeer 1880s markii xeebaha badacas iyo badwaynta hindiya ay la wareegeen saancadaalihii galbeedka inagaga soo duulay ethiopia waxay gashay go,doon bad la,aan.
Waxayna noqotay (landlocked)sidaan ay maanta tahay oo kale ah markaa wuxuu hunguri wayni kasoo galay xeebabaha saylac oo qoborkii ethiopia ee wakhtigaasi milik-II ayaaa waraaq u qoray saan cadaalayaashii haysta xeebaha somalida iyo bada caswarqadaas oo hadanan qaldayn ciwaan looga dhigay halkee bada loo maraa(where way the sea )
Lakiin wakhtigasisancaadalaya yaashii wayka diideen damaca amaaraxada ama galo madawda sababo ku aadan danahooda dhaqaale awgeed.
Hada ethiopia maxay rabtaa??
Waxaan arkayay dad badan oo ku kadsoomaya rabitaan ethiopia xeebaha bada cas una qaatay ama u fahmaymaalgashi iyo gamacsi iska dhaafsi ninka taas u fahansan ha is waydiiyo su'aalahan.
Ethiopia maxay uga baahantahay inay dakada saylac oo aan hada dhisnayn oo wado loo maro lahayn dhiskeeedu ku kacaya billion dollar inay maalgaliso ???
Ethiopia may waayin meel ay waxkala dagto waayo waxay haysataa dakada Djibouti oo xataa khadkii tareenka leh malayiin lacag ahna la galiyayqofka aaminsan maalgashi iyo meel ay waxkala dagto ayay rabtaa ha is waydiiyo maxay kuwan dhisan casriga ha u isticmaali wayday ???
Iyad ay jirto dakadii barbara oo oo la balaadhiyay saamina laga siiyay jidki ethiopia ku xidhayayna dhisan yahay oo la dhamaystiray baahida ay billions dollar ugu bixinaysaa saylac maxay tahay iyada oo aan bixin xataa 19% maalgashiga barbar ku lahayd ???
arinta dakada saylac maahaa arin fudud mana aha arin caadifad lagaga jawaaabi karo mana aha arin lagu soo dhaxdari karoxifaaltanka isku jiidjiidka reeraha somalida dhax yaala.
Saylac waa magaalo taarikhi ah caalamka cidina tarikhdeeda cidkale kama iibiso deegna uma siiso.
Damaca ethiopia ee saylac maaha mid ayka jawaabi karaan oo go'aana gaadhi karaan dadka dagaan gobolka ay ku taaalo wayka miisan wayn tahay wax halxaafad jawabi karto ama hal gobolka jawaabi karo'
Arintani sidoo kale wayka miisan wayntahay somaliland maadamo aanay ahayn dal caalamka laga aqoonsan yahay arintani waaa arin la miisan ah kiiskii bada somalida iyo kenya markaa waa arin ayka jawaabi karaan somalida oo isku dhan waxa iyada ka dheexayana miiska hoosteeda dhigata marka xaladaham oo kale yimadaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!