Isma Eegto Naag Xumi Halkay Iin Ku Leedahaye ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday October 17, 2023 - 09:54:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Isma Eegto Naag Xumi Halkay Iin Ku Leedahaye ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Nin Waalan Kuu Tali-Yaaba Turun-Turootay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin Waalan Kuu Tali-Yaaba Turun-Turootay!


Waddankii beri la odhan S/Land wuxuu ku dambeeyey, in uu Hillinkii baaba'a uu qaado, noqdo meel hayaay ka baxayso, oo hoogay qaylo ka yeedho, hadba beel hilbeeyoo, haadku uu hor gableeyoo, dhiigu uu hibiq-leeyo, reer-ba-reer ku haliilo, hogaanku uu u go'ay, cid hagraana jirin, hunguri uu ka adeego, hanti boob iyo tuugo, waxba laysu hambayni, askaritii lagu hoogay, hagaaf uu talinaayo iyo kuwo hoos uga liita, oo hareeraa ka xigaa, uu kolba beel ku haajo, hooyo ay ubad wayday, dhalaankii ka huleelay, on yar oo hargo weyni, huruntii digsi xagato iyo jin-dagaagay ka haagay, dalkii uu ku habsoobay, keligay baan odin haysan, shoorta oon la hawaysan, beentii oo hardafaysa, la hiifaayo wanaagga, wax haboon qofka doona, bal ayaan darro haysa, xumaan loo hurgufaayo, kani reer hebel weeye, somali-weyn buu lahadlaa, cadawggii gudahaa ina heeray, hudhu-dhuu, hadha-dhaa, baa hadal-koodu noqday, ummadiina la hiif, hayaay baa ka adeegta, dulmi loo hogo-qaatay, xaqii oo la haarshay, halkaas baa xaal marayaa. Intaa daba-deed maxaad ka filasaan ee idiin hadha, bal xaalka aynu ku sugar tahay S/Land halkan hoose kala soco, inta aad joojiso waxa aad dhuray-saan ee ah " Tolaay yaa Isaaqay-da" Taas oo aanay wax-ba ka jirin, idinka oo ula baxay " Cadawga Guduha" Ee yaad baryey-saan, u sheega kii kala dilay ee aad daba socotaan.



 

Aan ku soo dhawaado waxan rabo'e, Rabbi haw naxariistee abwaan Axmed ismaaciil diiriye (qaasim) Baa waxa murti-diisii ka mid ahaa " Isma eegto naag xumi, halkay iin ku leedahaye, ee malaa way is-moogyiin, inay obocdu hoos taallo" Waxan xikmadan u soo qaatay, maamulka askarta " raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan iyo saleebaan yuhuudi" Waxa uu sifa-hoodu yahay, dhanaba aan looga qaadayn oo kuu fasilaysa murti-daas Abwaan Qaasim. Sababtaoo ah isma oga in ay qalfoof socdda yihiin, oo wax u hadhay aanay jirin geeri mooyaane, oo ay obocdu hoos taallo. 


Dal inoo hadhay jirin, oo Hartiyi tagatay, Awdal ay laba jabaha-dood ka dilaaceen, wakhti aan fogayna iyana ay goosan doqonaan, dalkii ciise sidda Saylac laga iibiyey itoobiya, isaaq ku sheegii uu is cunaayo, dhulbahane iyo H.jeclo iyana waad arag-taan waxa ka dhex socdda, qori-lugud, hawdka Burco sidda Cali Saahid, ceel-Af-weyn, ceerigaabo.waxana dabadda ka wadda xasuuqaas iyo dagaala-daas labadda askari iyo kooxaha ay ku shaqays-taan, iyadda oo ay weliba sidaas ay tahay askariggii "Geenyo shaaximani" Uu duulaan kale ka sii abaabulayaa Degmadda Oog, akhristaw weli ma cas-casa waxay soo wadaan.


 

Murti laga dhaxlay Illaah haw naxariisto'e Cigaal Shidaad baa waxay ahayd " Hadaan karin-taas laga guurin, waxa ka soo dhici doona gorayo heeryeysan" siddii uu u sheegayna waa la arkay. Imika iyo haatan, maamulka " Xaafad-tooyadda" waxa ay yihiin siiba 2aad askari, bakhti dhego-weyn, Sal eebaan yuhuudi intii aan hore u ogayn iyo intii ogayd-ba hadeer bay leeyihiin waar yaa naga saara, wayse iska qaban karaane, daacad baanay ka ahayn, oo qaar baa xil ku ilaasha-naaya, kuwo kale baa ula socdda beel la colaw, dar baa reer hebel ugu sacab tumaaya, in kale waa kuwa naaska irmaan jaqaaya oo ay tuumbadu haan malab ah ugu jirtaa, isku soo duub oo ma jirto waxa Dan guud, dalnimo, cadaalad iyo wax wadda lahaansho doonayaa, ee waxay ku heshiis yihiin, in sacab been ah ka daba tumaan askariga keliggii taliyaha ah ee " raggii ma adigaa ka hadhay" maadaama ay faa'iido u gaar ah ku qabaan iyaku, ilayn dal iyo dad mid-na dan kama lahee.


* N.B Nin Waalan Kuu Tali-Yaaba Turun-Turootay!

By Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...