Fariin Uu Muuse Usoo Dhiibey Nuux Taani, Oo Ceergaabo Dagaal Lagaga Ridayo
Nuux Taani :
Hartiyoow qabiil baad Laascaanood
noogula dagaallanteen, annana waannu kasoo baxnay, si kastaba aannu uga soo
baxnee. Haatanna aniga oo Isaaq ah baan ku noqonayaa Laascaanood, cid iga cilin
kartaana ma jirto. Isaaqnimaan ku dagaallamynaa hadda annaguna. Idinku halkan
nabaddiinna ilaashada, se ogaada waa innoo dagaal xaggaas.
Cali Baashe (Siyaasi
Harti ah, Dhulbahante) : Nuuxoow
iskagamaad soo bixin Laascaanood e, waa lagaa soo eryaday, tanna adiga waxba
lagaa waydiin maayo e, ku talagal. Halkii aad qiran lahayd jabkaaga ayaad weli
sii bootaynaysaa!
Cali Dirir ( Harti,
Warsangeli) : Nuuxoow, hadalkaagani waa kii madaxweynahaaga uun ee shalayto,
haddaad dagaal qabiil soo abaabushaanna waa layska kiin celin, waana laydinka
adkaan e, ku biyo cab. Reerahan deriska nala ahise waxaas aad waddo in aanay
kaa yelayn ayaannu aamminsannnhay, waayo adigu Gebilay bad katimid...Halkaas
markuu marinayay Cali, Nuux oo maqiiqan ayaa ka dhex gaalay, : HJ iyo HY waa
kuwaad askartooda ku layseen Laascaanood waar. Cali Dirir : Nuuxoow waxaas ka
bax oo, waxan ku idhi annagu cidn xitaa u yeedhan mayno e, waannu isku
filannahay. Nuux haddana: Sawdinkii ilaa Kismaayo isaga yeedhay? ..Cali : war
warka waan ku siiyay, waxaad ka badin waydo fal.
Maxammed Cabdimaalik( Dhulbahante)
: Nuuxoow cirka soo dumi haddaad hayso, waana lagaa baacsaday laascaanood,
tanna waxba lagaa waydiin maayo.
Ismaaciil xaaji Nuur(
Maayarka degmadq, Gx, H.Yoonis) : war xaalka dejiya, magaaladni cid katmid
galbeed iyo cid katmid meel kale toonna arrrinkeedu uma yaallo e, bal
qoladiinna Harti aan si gaara isagu nimaadno. Hadalkana innoo dejiya.
Ina Isleged(
Badhasaabka, HJ; Biciide) : War Nuuxoow hadalka deji, war Hartoow aan mar kale
isu nimaadno, magaaladani colaad uma baahna, waa in aynu xaalka dejinnaa.
Labadii nin ee reer Sanaag, waxay bartii ka caddeeyeen in aysan kula socon Nuux
dagaalka uu hurinayo ee uu saaka kaaga dhawaaqay Ceergaabo.
Sidiibaa lagusoo kala
dareeray.
Muuse iyo Taani dagaal
sokeeye oo aysan qarsanayn, ayay ku dhawaaqeen, marka reerha Harti iyo
Isaaq ayay u taal taladu, in ay dabkaas
isku gubaan iyo in kale.
Xogtani waa mid sugan.
Nuux Taani waxa ka muuqatay cadho xad dhaaf ah iyo khalkhal weyn, ciilqab iyo
niyad jab is huwan. Cali Baashe ayaa ku yidhi, waxii aad sheeegan jirteen oo
dhanna in aad ka tanaasushay afkaaga waadigaa kaga dhawaaqay e, waxba halla
hadhin saaxiib!
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!