Md Biixi - Yaan Tareenka Nabaddu kaa tegin
waxa hadallo jeediyey md Deni (Puntland) iyo md Biixi (Somaliland), kuwaas oo ku saabsanaa maamulka cusub ee SSC-Khaatumo. Md Deni wuxu hadalkiisa ku aqbalay maamulka cusub ee Laascaanood laga yagleelay, soo dhoweeyey, una hambalyeyey. Deni wuxu dib u liqay, ugu yaraan 2 sanno, damacii Puntland ee ahaa in SSC-Khaatumo ka mid tahay Puntland. Waana mowqif mudan ixtiraam iyo soo dhoweyn. Weliba wuxu ku daray in shacabka SSC-Khaatumo xuquuq buuxda ku leeyihiin Puntland.
Dhanka kale se md. Biixi wuxu hadalkiisu ku baaqay in cashar loo dhigo cadawga ku soo duulay Somaliland, isagoo aad moodo inuu u jawaabayo Deni. Taasoo u dhacaysa in aanu md Biixi weli nabad qaadan, una socon inuu qaato; iska daa inuu maamulka cusub aqbalo e'. Ku darsoo ilaa hadda Hargeysa ma ajiibin baaqii nabad-ku-wada noolaanshaha ee garaadadu ku dhawaaqeen maalintii ay guusha dagaal hanteen ee 25.08.2023.
Waxa intaas dheer in 12.10.2023 golaha ammaanku ee Qaramada Midoobay go'aansadeen in la baadho gabbood falladii ka dhacay Laascaanood sannadkan.
Waxa isla 13.11.2023 md Xasan Sheekh si meeqaan sare leh ugu qaabilay Villa Soomaaliya guddoomiyaha cusub ee SSC-Khaatumo mudane Firdhiye. Firdhiye wuxu soo dhoweyn diiran ka helay dhammaan xubnaha kala duwan ee bulshada Xamar. Waa dhacdooyin sheegaya guuxa tareenka nabadda ee gobollada waqooyi iyo jihada loo dhaqaaqay.
Haddaba, intaas oo dhacdo oo raadkoodii qoyan yihiin, talow, md Biixi dhankee ay ka mareen? Maxaa se la gudboon? Waxa la gudboon inuu tareenka nabadda dhankiisa ka raaco, ajiibo baaqa nabadda iyo deris wanaagga ee ay soo fidiyeen walaalaha SSC-Khaatumo, labada maamul na ka wada shaqeeyaan nabadaynta bulshada deegaan wadaagta ah, waayo sidaas ayey ku jirtaa danta Somaliland (SL). Waxba tari maayaan ereyo xanaf leh iyo ad-adayg. Dariiqii kale ee la raaco, aan nabad ahayni ba, waa dirir walaal, colaad joogto ah iyo SL oo hoosta ka dunta. Ilaah md Biixi ha garansiiyo talada toosan.
Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!